Netanyahu oo ka biyo diiday in xabad joojin laga sameeyo Lubnaan

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ka biyo diiday inay Israel joojiso weerarada ay ka waddo dalkaasi Lubnaan, isagoona ku hanjabay in ay sii socon doonaan.

Raysal Wasaaraha ayaa muuqaal uu soo duubay ugu sheegay Israeliyiinta ku nool Waqooyiga Israel in ciidamadu ay sii wadi doonaan hawlgalada Lubnaan.

"Ma jiri doonto xabad joojin laga sameeyo Lubnaan." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel oo intaa raaciyay "Waxaan sii wadaynaa duqaynta aan ku hayno Xisbullah, lamana joojin doono, illaa aan amnigiinna soo celino."

Waxa uu sheegay in hadafka Israel uu yahay in hub ka dhigis lagu sameeyo Ururka Xisbullah iyo in la xaqiijiyo heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo waara, isla-markaana dhex mara Israel iyo Lubnaan.

Farriinta Netanyahu ayaa u muuqato mid jawaab u ah baaq uga yimid Madaxweyne Donald Trump, kaas oo uu ku weydiistay in Israel ay hoos u dhigto weerarada Lubnaan, si fursad loo siiyo wada hadalada nabadda ee socda.

Madaxweyne Trump oo Khamiistii wareysi siiyay Warbaahinta NBC ee Mareykanka ayaa sheegay in uu la hadlay Netanyahu, isla-markaana uu ugu baaqay inaanu dib u soo celin weerarada Lubnaan, ka hor wada hadalada Mareykanka iyo Iran ay ku yeelanayaan Magaalada Islamabad.

Trump ayaa sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay in heshiis nabadeed lagu gaaro wada hadalada Islamabad.

Diidmada Netanyahu ayaa waxay ku soo beegmeysaa, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ay sheegtay in 303 qof ay ku dhinteen, in ka badan kun kalena ay ku dhaawacmeen duqaymihii Israel ay Arbacadii ka gaysatay dalkaasi.

Israel ayaa Arbacadii ballaarisay weerarada xagga cirka ee Lubnaan, ka gadaal markii Mareykanka iyo Iran ay habeenkii Talaadada ku heshiiyeen xabad joojin ku-meel-gaar ah oo lagu wanaajinayo nabadda Bariga Dhexe.

Ciidamada Israel ayaa kordhiyay duqaymaha ay ka fulinayaan gudaha Lubnaan, iyadoo dunida ay si weyn u soo dhaweysay xabad joojinta labada toddobaad ee Mareykanka iyo Iran, ujeedkeeduna uu yahay in lagu xaqiijiyo xabad joojin joogto ah.