Netanyahu oo ka hadlay sababta ay isku khilaafeen Madaxweynaha Mareykanka

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Joe Biden, kaas oo ka dhashay sida uu yiri hawlgalka Rafah.

Khilaafka labada dhinac ayaa cirka isku shareeray, ka dib markii Raysal Wasaaruhu uu amar ku bixiyay in Ciidamada Israel ay hawlgal dhinaca dhulka ah ka bilaabaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Madaxweyne Biden ayaa ku aragti noqday hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka, gaar ahaan kuwa reer galbeedka oo si adag uga digay in Ciidamada Israel ay weeraraan Rafah, maadaama ay ku nool yihiin 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah oo si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda iyo goobihii kale ee ay gabaadsanayeen.

"Waxaan isku khilaafnay Mareykanka baahida loo qabo in la galo Rafah." Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu oo Talaadadii la kulmay Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Israel.

Raysal Wasaaraha ayaa ku andacoonaya inaanan la burburin karin Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza, haddii aan xoogagooda lagu weerarin goob kasta oo ay kaga sugan yihiin Gaza.

"Baahida loo qabo in la galo Rafah waa burburinta Xamaas. Ma aragno qaab militari ahaan oo Xamaas meesha looga saari karo, iyadoo aan la burburin guutooyinkan soo haray." Ayuu yiri Netanyahu.

Madaxweyne Biden oo Isniintii khadka teleefanka kula hadlay Netanyahu ayaa ku booriyay inaanan la weerarin Rafah, si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah, ha yeeshee Netanyahu ayaa sheegay inuu Biden u caddeeyay inaanan laga baaqsan doonin gulufka militari ee Rafah, halkaas oo sida uu sheegay ay ku sugan yihiin dagaal-yahano ka tirsan Xamaas.

"Waxaan ugu caddeeyay Madaxweyne Biden wada hadalkeennii in aan go'aansanay inaan dhameystirno ciribtirka guutooyinkan Xamaas ee ku sugan Rafah." Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Ma jirto qaab lagu burburin Xamaas, marka laga reebo in hawlgalka dhulka ah laga bilaabo Rafah. Marka way naga go'an tahay in aynu sidaasi samayno."

Mareykanka oo ah dalka ugu weyn ee xulafada reer galbeedka ee taageera Israel ayaa ka gows adeygaya duulaanka Rafah, si aanay faraha uga sii bixin masiibada bani'aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Horaan, Qaramada Midoobey ayaa ka digtay, haddii aanay Israel ka laaban qorshaha ay ku weerareyso cirifka koonfureed ee Gaza ay xaaladda bani’aadantinimo ee dadka rayidka ah noqon doonto masiibo ka baxsan qiyaasaha bani’aadanka.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa xulafada Israel ugu baaqay inay ka hortaggaan dhimasho baaxad leh iyo in la wiiqo gargaarka yar ee sida dhibka badan lagu gaarsiinayo dadka rayidka ah.

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee ay ku barakaceen inta badan dadka reer Gaza, waana goobta qura ee Gaza uu ka soo galo gargaarka dhinaca dhulka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa ka digay in duulaanka Rafah uu hakin doono gebi ahaanba gargaarka naf badbaadinta ah.

“Rafah waa meesha ugu muhiimsan ee howlaha gargaarka bani’aadantinimo." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo intaasi ku daray "Israel oo duulaan ku qaaddo Rafah keliya ma noqon doonto mid argagax gelisa dadka ka badan halka milyan ee qof ee halkaasi ku barakacay, wuxuuna gebi ahaanba hakin doonnaa gargaarka bani’aadantinimo.” 

Ciidamada Israel ayaa halis gelinaya nolosha 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Marinka Gaza, kuwaa oo la ildaran cunto xumo, biyo, dawo iyo shidaal la’aan.

Si kastaba ha-ahaatee amarka uu Netanyahu ku bixiyay in la weeraro Rafah ayaa Israel ka dhigaya mid ka go'doonsan dunida inteeda kale.