Netanyahu oo kormeeray saldhig Ciidanka Cirka Israel ay leeyihiin
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu Khamiistii kormeeray Saldhigga Ciidanka Cirka ee ku yaala Koonfurta Israel, inkastoo aanu magaca saldhiggaasi sheegin.
Raysal Wasaaraha ayaa geba-gabadii kormeerkiisan la hadlay Warbaahinta, wuxuuna sheegay in uu halkaasi kula kulmay Ciidanka Cirka Israel iyo kuwa Mareykanka ee kala shaqeeya hawlgalka ka dhanka ah Iran.
"Wada-shaqaynta Ciidanka Difaaca Israel iyo Ciidamada Mareykanka waa mid taariikhi ah oo go'aan qaadasho leh." Ayuu yiri Netanyahu oo wada-shaqaynta labada ciidan ku sheegay iskaashi taariikhi ah.
"Iskaashiga ayaa ah mid taariikhi ah oo u dhaxeeya Ciidamada Maraykanka, Ciidanka Difaaca Israel iyo Ciidamada Cirka Israel iyo Mareykanka." Ayuu yiri Netanyahu.
Netanyahu ayaa ku hanjabay inay si adag uga hortagi doonaan, waxa uu ugu yeeray nidaamka argagixisada ee Tehran iyo wakiilada argagixisada ee Lubnaan.
"Waxaan sii wadaynaa inaan si adag uga hortagno nidaamka argagixisada ee Tehran iyo wakiilada argagixisada ee Lubnaan, mana joojin doono dagaalka, illaa aan hawlgalka dhameystirno."
Netanyahu ayaa Madaxweyne Donald Trump uga mahadceliyay wada-shaqaynta ay leeyihiin, isagoona yiri "Si wadajir ah ayaan hore ugu socon doonnaa, si wadajir ahna waxaan u gaari doonnaa yoolkeenna, innaga oo kaashanayna Ilaahay."
Taliska Militariga Israel ayaa Khamiistii shalay ku dhawaaqay in Israel ay u gudbeyso wejiga xiga ee dagaalka ay kula jirto Iran. Taliska ayaa sheegay in wejiga labaad ee hawlgalka ay si dhameystiran ugu burburin doonaan nidaamka Iran iyo awooddeeda ciidan.









