Netanyahu oo laga hortaagan yahay in heshiis xabad joojin ah lala galo Xisbullah
Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa si weyn uga horyimid hindisaha xabad joojinta ee Mareykanka uu gadaal ka riixayo, si loo joojiyo colaadda Israel iyo Lubnaan.
Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa Israel iyo Xisbullah u soo bandhigay qorshe muddo 60 maalmood ah lagu joojinayo dagaalka labada dhinac, iyadoo muddadaasina la sameynayo wada hadalo si toos ah loogu soo afjarayo dagaalka.
Hindisaha ayaa ku baaqaya in Israel ay ciidamadeeda ka saarto xuduudda iyo in Xoogaga Xisbullah ay illaa 30km ka fogaadaan xuduudda Lubnaan, iyadoo lagu soo bedelayo Ciidamada Dowladda Lubnaan.
Warbaahinta reer galbeedka ayaa ku warameysa in labada dhinac ay qarka u saaran yihiin inay aqbalaan heshiiska, isla-markaana ay maanta Golaha Amniga Israel ka arrinsanayaan, sidii ay go'aan uga qaadan lahaayeen heshiiska xabad joojinta.
Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa laga soo xigtay in heshiisku uu horseedayo in shacabkii labada dhinac ee barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa taageeraya in la soo afjaro dagaalkan, si aan looga sii darin xiisadda aadka u cakiran ee ka jirta Bariga Dhexe.
Warbaahinta Israel ayaase sheegeysa in heshiiska xabad joojinta ay ka biyo diidan yihiin labada Wasiir ee axsaabta midigta fog ku metela xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Netanyahu.
Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich ayaa ka digay in heshiis lala galo Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Ben-Gvir ayaa sheegay in haddii xilligan oo Xisbullah ay aad u nugushahay lala gaaro heshiis xabad joojin ah sida uu yiri ay markaasi mustaqbalka dhabar-jab weyn ku noqon doonto Israel.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay in ay wax adag tahay in heshiiska la ansixyo, iyadoo aanu Netanyahu wax xal ah u helin cadaadiska kaga imanaya labadaasi nin.
Mar sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Netanyahu uu mabda' ahaan aqbalay heshiiska xabad joojinta ee sida weyn loogu baahan yahay, maadaama gantaalaha ka soo dhacaya koonfurta Lubnaan ay dhibaato ku noqdeen shacabka Israel.
Smotrich iyo Ben-Gvir ayaa karkarinaya in la sii wado dagaalka ka dhanka ah Xisbullah, taasina waxay heshiiska ka dhigeysaa baa la leeyahay mid hubinti la'aan ah.
Lama oga go'aanka kama dambeysta ah ee Xukuumadda Netanyahu ka qaadan doonto arrintan, waana xilli xukuumaddiisu ay ku tiirsan tahay taageerada isbahaysiga midigta fog.
Wasiiradan mayalka adag ayaa la xusuustaa in Netanyahu ay khasab kaga dhigeen inaanan la joojin dagaalka Gaza, haddii kalena ay xukuumaddiisa ridi doonaan.
Kalsoonida oo xukuumaddiisa ay kala laabtaan ayaa dhabaha u xaareysa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waana waxa uu Netanyahu ka cararayo.
Tani waxay dagaalka lagu hoobtay ee Gaza ka dhigtay mid daba dheeraada, iyadoo Netanyahu uu fiirsanayo, sidii uu xafiiska ku sii joogi lahaa, ugana baxsan lahaa kiiska dacwadda musuq-maasuqa la xiriira ee kaga furan maxkamad gudaha ah.