Netanyahu oo weerar argagixiso ku tilmaamay weerarka ka dhacay Isgoyska Allenby

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa cambaareeyay toogashada Khamiistii lagu dilay laba ka mid ah ciidamadooda ee ka dhacday Buundada Boqor Hussein (Allenby) ee u dhaxeysa Daanta Galbeed ee la haysto iyo dalka Jordan.

Raysal Wasaaraha Israel oo weerarka ku sheegay mid argagixiso ayaa xaqiijiyay in uu galaaftay nolosha laba ka mid ah askartooda.

"Waxaan ku jirnaa dagaal, qiimihiisuna waa culus yahay." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel oo tacsi u diray qoysaska askartaasi, oo midkood lagu sheegay nin korneyl ahaa oo lagu magacabayay Colonel Yitzhak Harosh.

"Raaxada keliya ee aad heli karto waa in geesiyaashan oo kale ay naftooda u huraan, si uu dalkani u sii jiro. Runtu waa taas, waxaana halkan ugu nool nahay daraadood." Ayuu yiri Netanyahu oo wareysi siiyay Telefishinka Channel 14.

Militariga Israel ayaa sheegay in nin la socday gaari gargaar bani'aadantinimo ah oo ka yimid Jordan uu bilaabay in uu toogto ilaalada xuduudda, iska caabin ay sameeyeena ay keentay in la dilo.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in laga yaabo in ninkaasi uu markii dambe adeegsaday toorey, si uu ugu dhibaateeyo ciidamada, ka dib markii qorigiisa uu ciladoobay.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in weerarka ka dib ay hakiyeen isu socodka gaadiidka ee Isgoyska Allenby, oo ah marin muhiim ah oo la isaga kala gudbo Daanta Galbeed iyo Jordan.

Wakaaladda Wararka Jordan ee Petra ayaa sheegtay in gaadiidka xamuulka iyo rakaabka la hakiyay, ka gadaal markii laga xiray dhinaca kale.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan ayaa sheegtay in ninka weerarka gaystay uu ahaa muwaadin reer Urdun ah, kaasoo gargaarka gaarsiinayay Marinka Gaza, muddo saddex bilood.

Dowladda Jordan ayaa waxay magaca ninkaasi ku sheegtay Abdul Muttalib Al Qaisi, isla-markaana uu ahaa nin shacab ah oo dhashay sanadkii 1968-kii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa weerarka ku eedeysay Jordan, iyadoona ku sheegtay natiijo kale oo ka dhalatay, waxa ay ku sheegtay kicinta foosha xun ee Jordan.

Marka laga soo tago in Jordan iyo Israel ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen sanadkii 1994-kii, haddana dalkan Carbeed ayaa si weyn u dhaliila habdhaqanka Israel ee Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan oo u muuqatay mid ka jawaabeysa eedeynta uga timid Tel Aviv ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in baahi weyn loo qabo in xabad joojin degdeg ah oo waarta laga sameeyo Marinka Gaza.

Weerarkan ayaa waxa uu noqonaya kiisii labaad ee ka dhaca xadka Jordan ay la leedahay Daanta Galbeed ee Falastiin, muddada uu socdo dagaalka Gaza.