Nin ajnabi ah oo ku dhintay gantaal ku dhacay Bartamaha Israel
Ninkan oo da'diisa lagu sheegay 30 jir ayaa saqdii dhexe ee xalay meydkiisa laga soo saaray goob ku taala deegaanka Moshav Adanim ee Bartamaha Israel, ka dib weerar gantaal oo ka dhacay deegaankaasi.
Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in ninkan oo shaqaale shisheeye ahaa uu ku dhintay gantaal lagu soo tuuray Israel.
Adeegga MDA ayaa aroornimadii hore ee Khamiistan ku dhawaaqay in ninkaasi oo keliya uu ku dhintay weerarka. Adeegga ayaa sheegay in ninka ajnabiga ah uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray firirka gantaalka Iran.
Ciidamada amniga iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay inay gaareen goobtaasi, iyadoo laga jawaabaya saamaynta ka dhalatay weerarka.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in gantaalkan uu ka mid ahaa tiro gantaalo ah oo Iran ay xalay ku soo weerartay gudaha Israel.
Taliska Booliska Israel ayaan weli shaacin magaca ninkan iyo dalka uu u dhashayba, waxaase loo maleynaya in uu yahay muwaadin u dhashay Thailand.
Nidaamka difaaca hawada ee Israel ayaa ku guuldareysanaya in laga hortago gantaalada ballaastikada iyo drones-ka ka imanaya dhinaca Iran.
Hannaanka difaaca cirka ee Israel ayaad mooddaa in uu soo daciifayo maalinba maalinta ka dambeysa.







