Nin ay ku daba joogeen ciidamada amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa goor dhow shaaciyay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen nin dil hore uga gaystay Magaalada Muqdisho.
Taliska ayaa qoraal ku sheegay in ninkani uu baxsad ku maqnaa, tan iyo wixii ka dambeeyay 16-kii bishii November ee sanadkii hore, markaas oo lagu eedeynayo in uu dilka gaystay, iyadoona aanay caddeyn cidda uu dilkaasi u gaystay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Saldhigga Booliska Deegaanka Gubadley ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Boolisku ma sheegin magaca eedeysanaha, balse waxay qoraalkoodu ku sheegeen in ciidamadu ay in muddo ahba ku daba joogeen.
Booliska ayaa sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan, si uu caddaaladda u wajaho.
"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo baadigoobayay eedeysanaha ayaa hadda gacanta ku haya, waxaana la horgayn doonnaa maxkamadda awoodda u leh, si uu cadaaladda u maro." Ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Booliska Gobolka Banaadir.


