Nin hubeysan oo weeraray Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Beirut

Nin hubeysan ayaa maanta rasaas ku faray Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Beirut ee dalkaasi Lubnaan.

Taliska Militariga Lubnaan ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ninkaasi, isagoo dhaawac qaba.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ninkaasi uu u dhashay dalka Suuriya, isla-markaana aysan jirin cid wax ku noqotay rasaastii uu furay.

Safaaradda Mareykanka ee Beirut ayaa iyana sheegtay inay ku soo baraarugeen uun ninkaasi oo rasaas la dhacaya agagaarka albaabka Xarunta Safaaradda.

Safaaradda ayaa barteeda X ku sheegtay in shaqaalaheeda iyo kooxda ammaanka ee Safaaradda ay badqabaan, iyadoona ka mahadcelisay jawaabta degdegga ah ee Ciidamada Lubnaan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ku dhawaad nus saac ay is rasaaseyn ka socotay aagga Safaaradda. Warbaahinta gudaha ayaana mar sii horreysay sheegtay in mid ka mid ah ilaalada Safaaradda uu dhaawacmay.

Dowladda Lubnaan ayaa ciidan xoojin ah soo dhoobtay xeendaabka Safaaradda, xilli ay weli taagan tahay xiisadda aadka u sarreyso ee ka dhalatay weerarka ballaaran ee ay Israel ku hayso Marinka Gaza.

Ciidamada ayaa baaritaano adag marsiinaya dadka la socda mootooyinka ee doonaya inay maraan waddada ay saaran tahay Safaaradda, halka ay dib uga celinayaan dadka wata baabuurta.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in hay'adaha ammaanka ay tuhunsan yihiin inay jiraan cid kale oo ninkaasi ku wehlineysay weerarka, isla-markaana ay baaritaano wadaan, si looga hortaggo suurtagalnimada weeraro hor leh.

Warbaahinta ayaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda ka soo xigatay inay jiraan illaa afar nin oo kale, oo ay suurtagal tahay in ay weerarka ku lug lahaayeen.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa sheegay in dhacdadan ay baarayaan Wasiirka Gaashaandhigga, Maurice Sleem iyo laamaha amniga.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa kordhiyay dareenka xun ee ay markii horeba u qabeen dadka gobolka ee sida weyn uga soo horjeeda ficiladeeda guracan ee ay tobanaanka sano ku dooneysay in ay ku maquuniso shacabka Falastiiniyiinta.

Isniintii, muwaadin kale oo Suuriyaan ahaa ayaa weeraray Xarunta Safaaradda Israel ee dalka Romania, inkastoo aysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi, sida uu xaqiijiyay Safiirka Israel ee dalkaasi, Reuven Azar.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo weeraray Safaaradda Mareykanka ee Lubnaan, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse khubarada ayaa dhacdadan la xiriirinaya taageerada joogtada ah Washington ee Tel Aviv. Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa sidoo kale abuuray carro caalami ah, iyadoona bulshada caalamka ay si weyn uga soo horjeeddo dembiyada ay Israel ka gaysaneyso dhulka Falastiiniyiinta.

Dunida ayaa muujisay inay diidan tahay weerarada ay Israel ka sii waddo Marinka Gaza ee ay ku dhimanayaan shacabka faraha badan ee aan hubeysneyn.