Nin qarax ku waday mooto bajaaj oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta gacanta ku soo dhigeen nin dhallinyaro ah, kaas oo walxaha qarxa ku waday mooto bajaaj.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in Xasan Nuur Cali lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamadu ka sameeyeen Degmada Dayniile, gaar ahaan Warlaliska.

"Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Degmada Dayniile, gaar ahaan WARLALISKA, waxaa ay ku soo qabteen eedeysane khawaarij Xasan Nuur Cali, oo walxaha qarxa ku waday mooto bajaaj guduud ah, oo uu rabay inuu ku dhibaateeyo shacab aan waxba ka galabsan." Ayaa lagu sheegay qoraalka booliska.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hortegay oo fashiliyay inuu waxyeelo u gaysan shacabka. Halkaas oo miinadiina lagu qarxiyay."

Tallaabada lagu soo qabtay ninkan ayaa imaanaysa, xilli Dowladda Federaalka ay dadaal badani ku bixineyso, sidii ay gacan bir ah ugu qaban laheyd amniga Caasimadda Muqdisho.

Ammaanka magaalada ayaa u muuqda mid ka soo reynaya, tan iyo markii amnigeeda lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare.