Nin Shabaab ah oo lagu dilay Beledweyne, iyadoo mid kalena gacanta lagu dhigay
Ciidamada amniga ee ka hawlgala Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa caawa toogasho ku dilay nin ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, halka mid kalena la sheegay inay gacanta ku dhigeen, ka dib markii raggaasi ay weerar ka gaysteen xaafadda Nuur Xawaad ee magaaladaasi.
Taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne, Gaashaanle Cabdullaahi Maxamuud Siyaad ayaa sheegay in saddex nin oo Shabaab ah ay nin askari ahi ku weerareen xaafaddaasi, taasna ay keentay in la dilo mid ka mid ah, mid kalena gacanta lagu soo dhigo.
"Kooxaha nabadiid qolo ka mid ah ayaa waxay soo weerartay xaafadda Nuur Xawaad, gaar ahaan aagga Suuqa Xoolaha. Meeshaas waxay kula kulmeen askari ka tirsan ciidamada ammaanka, meeshaas ayayna bambooyin iyo xabad kula bilaabeen, askariguna wuu is difaacay. Xabaddii markay bilaabatay askarigii wuu dhaawacmay, qolooyinkii meesha soo weerartay ee argagixisada nin ka mid ahna meeshuu ku reebtay." Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in labadii kale oo firxad ah ay intaasi ka dib daba galeen.
Hawlgalka baadigoobka oo ay gacan ka gaysteen dadka deegaanka ayaa horseeday in nolosha lagu qabto mid ka mid ah labadii nin ee baxsadka ahaa.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan, Liibaan Cumar Xasan oo mar dambe Wariyeyaasha kula hadlay goob lagu soo bandhigay meydka ninka la dilay ayaa sheegay in mid kalena nolosha lagu hayo.
"Waad aragtaan meeshaan waxaa yaala meydkoodii, mid kalena noloshaa lagu hayaa." Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.
Afhayeenka ayaa shacabka ku bogaadiyay dadaalkooda ku aaddan in la qabto ninkaasi, oo lagu hayo xarun ay leeyihiin laamaha ammaanka.
"Waxaan rabnaa shacab ama bulshada gobolka, sida ay hadda uga dhiidhiyeen si ka xoogan inay ula shaqeeyaan maamulka, waana midda saxda ah oo looga guuleysan karo." Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray "Caawa waxa meeshaan ka dhacay, waxay tusaale ugu filan yihiin cid kasta ama Al Shabaab ha ahaato ama qolo kasta ha ahaatee oo isku dayeysa inay amniga dhibaateyso ayay tusaale u tahay arrintaasi."
Dadka reer Beledweyne ayaa si weyn u hadal haya dhacdadan.









