NISA oo war ka soo saartay hawlgal laga fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa Jimcahan sheegtay in ciidankeeda oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay fuliyeen hawlgal qorsheysan, kaas oo ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Al Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in hawlgalkan oo laga fuliyay tuulada Bur Saruur oo qiyaastii 2km koonfur bari kaga beegan deegaanka Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab.

"Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa tuulada Bur Saruur, oo qiyaastii 2 KM koonfur bari kaga beegan deegaanka Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyay hawlgal qorsheysan oo lagu dilay 12 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta." Ayay NISA ku sheegtay war qoraal ah.

Warka ayaa lagu sheegay in hawlgalka si gaar ah loogu beegsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyada Al Shabaab oo Dowladda Somaliya ay u taqaano (Khawaarijta), laguna burburiyay agab ciidan iyo goobihii gabaadka u ahaa maleeshiyadaasi.

"Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay agab ciidan iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen." Ayaa lagu yiri warka.

NISA waxay sheegtay in hawlgalku uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla-markaana uu socdo baadigoobka iyo dabagalka haraadiga kuwii ka baxsaday goobta.

"Hawlgalka ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo weli lagu raad-joogo firxadka haraadiga Khawaarijta." Ayaa lagu soo geba-gabeeyay warka.

NISA ayaa soo uruurisa xogaha maleeshiyada iyo horjoogeyaasha Al Shabaab, ka hor inta aan hawlgalada hawada la qaadin, waana isha ugu weyn, uguna muhiimsan ee laga raadraaco xubnaha khatarta ku ah nolosha bulshada.