NRC oo walaac xoogan ka muujisay tabaha Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto
Hay'adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa walaac xoogan ka muujisay rabshadaha sii kordhaya ee Daanta Galbeed, tan iyo markii ay xabad joojinta ka dhaqangashay Marinka Gaza.
Agaasimaha Hay'adda NRC ee Bariga Dhexe, Angelita Caredda ayaa qaylo dhaan ka muujisay hawlgalka Israel ka waddo Magaalada Jenin.
Waxay sheegtay in ay arkaan qaabab qas ah oo si sharci darro ah ay Israel awood ugu adeegsaneyso Daanta Galbeed ee la haysto.
"Waxaan aragnaa qaabab qas leh oo xoog si sharci darro ah loogu isticmalayo Daanta Galbeed, isla-markaana aan kala sooca lahayn, taasoo aan loo baahneyn." Ayay tiri Angelita Caredda.
Angelita Caredda ayaa sheegtay in awoodda xad dhaafka ah ee Israel u adeegsaneyso Magaalada Jenin uu u dhigmo tabihii ay ciidamadeeda u adeegsadeen Marinka Gaza.
"Tani waxay bidhaamineysaa tabaha ay Ciidamada Israel uga shaqeeyeen Gaza." Ayay tiri Angelita Caredda oo intaa raacisay "Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, Israel waa in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo afjartaa xoogga ay ku haysato dhulka Falastiiniyiinta."
Angelita Caredda ayaa ku baaqday "Illaa iyo intaas, Israel waa inay si buuxda u fulisaa waajibaadkeeda awood la qaybsashada, oo ay ku jirto ilaalinta rayidka."
Iyadoo Israel qaar ka mid ah ciidamadeeda ay kala baxday Marinka Gaza ayay u soo jeedsatay dhulka kale ee Falastiiniyiinta, gaar ahaan Magaalada Jenin oo taariikh u leh isku dhacyada.
Dhowr iyo toban Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay hawlgalka Ciidamada Israel ay 21-kii bishan ka bilaabeen Jenin, iyadoo tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.