Pakistan oo Iran ka codsatay inay soo dirto wafdigeeda wada hadalada Islamabad

Dowladda Pakistan ayaa Madaxda Iran ka codsatay inay soo diraan wafdiga uga qaybgelaya wada hadalada ay Mareykanka kula yeelanayaan Magaalada Islamabad.
Pakistan ayaa si weyn ugu diyaargarowday martigelinta wareeg labaad oo wada hadalo ah oo dhinacyada ay Isniinta illaa Talaadada ku yeeshaan dalkaasi, si loo gaaro heshiis suurtagelinaya in la soo afjaro xiisadda labada dal ee amni darrada ka abuurtay Gobolka Bariga Dhexe, isla-markaana carqaladeysay xasilloonida dhaqaalaha ee suuqyada caalamiga ah.
Raysal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Mohammad Ishaq Dar oo khadka teleefoonka kula xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa kala hadlay baahida loo qabo in la sii wado wada hadalada iyo ka qaybgalka shirka labada dhinac ee la qorsheeyay inay ku yeeshaan Magaalada Islamabad.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa war qoraal ah ku sheegay in wada hadalada soo socda ay lagama maarmaan u yihiin xallinta arrimaha taagan sida ugu dhakhsaha badan, si kor loogu qaado nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe iyo caalamkaba.
Wakaaladda Wararka Tasnim ee laga leeyahay Iran ayaa daabacday in dowladda dalkaasi ay diiday in ay wax wafdi ah u dirto Islamabad, inta ay sii socoto go’doominta uu Mareykanku ku hayo Dekedaha Iran.
Dhanka kale Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo isna Axaddan xiriir la sameeyay Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa ka codsaday in wada hadalada la sii wado.
Madaxda Pakistan ayaa maalmihii u dambeeyay ka shaqeynayay wareeg labaad oo wada hadalo ah oo iyagu ay dhexdhexaadinayaan, ka dib wada hadaladii fashilmay ee labada dhinac ay toddobaadkii hore ku yeesheen Islamabad.
Pakistan ayaa riixeysa ka hor inta aysan dhamaan muddada xabad joojinta labada toddobaad oo ku eg Arbacada in Mareykanka iyo Iran ay gaaraan xabad joojin dhameystiran.


