Pakistan oo wafdi u dirtay Tehran, si dib loogu bilaabo wada hadalada Mareykanka iyo Iran
Wafdi ka socda Dowladda Pakistan ayaa maanta gaaray Magaalada Tehran, iyadoo Islamabad ay dadaal ugu jirto wareeg labaad oo wada hadalo ah oo ay yeeshaan Mareykanka iyo Iran, ka dib fashilka ku yimid wada hadalkii ay yeesheen dhammaadkii isbuucii hore.
Wafdiga sare ee Pakistan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi, Field Marshal Asim Munir ayaa ka degay Caasimadda Iran ee Tehran, si ay wada hadal ula yeeshaan masuuliyiinta dalkaasi, ka hor wada-xaajood cusub oo lala yeesho Mareykanka.
"Field Marshal Asim Munir oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi iyo xubno kale ayaa Tehran u yimid, iyaga oo qayb ka ah dadaalada dhexdhexaadinta ee socda." Ayaa lagu yiri war uu soo saaray Taliska Ciidamada Pakistan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa goobjoog ka ahaa soo dhaweynta wafdiga Dowladda Pakistan.
Warbaahinta Dowladda Iran ayaa sheegtay in Field Marshal Asim Munir uu wada hadal la yeelan doono Wasiir Araghchi, si taageero loogu muujiyo wada hadalka xiga ee Iran iyo Mareykanka.
Wafdiga Pakistan iyo Iraaniyiinta ayaa la filayaa in ay ka wada-xaajoodaan shirka soo socda ee looga hadlayo nabadda Bariga Dhexe.
Pakistan ayaa door udub dhexaad ah ka qaadaneysa dhexdhexaadinta wada hadalada Mareykanka iyo Iran, waxaana xusid mudan inay ka soo shaqeysay xabad joojintii labada toddobaad ee dhinacyadu ay ku heshiiyeen 7-dii bishan.
Raysal Wasaare Shehbaz Sharif ayaa ku foogan, sidii Islamabad ay u sii wadi lahayd kaalinteeda dhexdhexaadinta ee labada dhinac si loo gaaro xabad joojinta waarta, ka hor inta aysan dhamaan muddada xabad joojinta ku-meel-gaarka ah.
Raysal Wasaaraha Pakistan ayaa maanta gaaray Magaalada Jeddah, isaga oo Boqortooyada Sacuudiga kala hadlaya xaaladda gobolka.






