Qaramada Midoobey oo Israel ugu yeertay inay joojiso weerarka Jenin

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay hawlgalka Ciidanka Israel ay maalintii labaad ka wadaan xerada qaxootiga Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Militariga Israel ayaa Isniintii bilaabay hawlgalkan oo ay sheegeen in dhismayaasha xeradaasi lagaga sifeynayo waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada.
Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha sii kordhaya ee ka aloosan Bariga Dhexe.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay inaanan xiisadda lagaga sii darin, isagoona Israel ugu yeeray in ay joojiso hawlgalka ballaaran ee ay ka waddo Jenin.
Waxa kaloo uu sheegay in hawlgalka ka socdo Jenin iyo weerarkii maanta ka dhacay Magaalada Tel Aviv ay ka tarjumayaan, sida ay rabshaduhu u abuuraan sida uu yiri rabshado kale.
“Hawlgalkan ugu dambeeyay ee ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo weerarka baabuur ee maanta ka dhacay Tel Aviv waxay si walaac leh u muujinayaan dhammaan dhacdooyinka caanka ah, ee ah in rabshaduhu ay abuuraan rabshado kale.” Ayuu yiri Volker Türk ku sheegay qoraal uu soo saaray.
“Dilka, naafaynta iyo burburinta hantida waa in la joojiyo.” Ayuu sii raaciyay Türk.
Illaa iyo hadda inta la ogyahay 11 qof Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarka Jenin, halka tobanaan kalena lagu dhaawacay. Saddex ka mida ah dadka dhintay waa carruur, sida ay sheegeen Hay'adaha Qaramada Midoobey.
Kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ayaa caawa sheegay in la dilay askari ka tirsan Militariga Israel, ka dib markii qarax lagu la eegtay Magaalada Jenin.
Jaamacadda Carabta oo maanta shir degdeg ah ka yeelatay xiisadda ka taagan dhulka Falastiiniyiinta ayaa si kulul u cambaareysay gardarada Israel.
Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo Carbeed, laguna garab istaagayo Falastiiniyiinta, iyadoo loo marayo Guddiga Wasiirada Arrimaha Dibadda ee ururka, si loo bixiyo ilaalinta caalamiga ah ee dadka Falastiiniyiinta.
Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Jimcaha kulan ka yeelan doono xaaladda ka taagan Daanta Galbeed, taas oo aad mooddo inay tahay mid aad looga daahay.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan hawlgalka, illaa iyo inta loo baahan yahay.


