Qaramada Midoobey oo ku dhawaaqday in macluul ay ka jirto Marinka Gaza

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, Cindy McCain ayaa ku dhawaaqday in macluul buuxda ay ka jirto waqooyiga Marinka Gaza.

Xaalad gaar oo quus ah ayaa billahanba ka jirta waqooyiga Gaza, ka dib markii Ciidamada Israel ay gebi ahaanba ka jareen gargaarkii la gaarsiinayay dadka sida weyn ugu baahan, inkastoo mararka qaarkood si dhib badan lagu gayn jiray sahayda raashiinka, biyaha iyo dawada.

Cindy McCain ayaa sheegtay in dadka ku nool jihada waqooyi ee Marinka Gaza ay hadda la nool yihiin macluul buuxda, taas oo ka dhalatay weerarada baahsan ee Ciidamada Israel iyo xayiraadaha ay ku hayaan kaalmada bani'aadantinimo.

"Waa argagax. Aad bay u adag tahay in la eego, aad bayna u adag tahay in la maqlo." Ayay tiri Cindy McCain.

Haweeneydan ayaa sheegtay in macluusha ay ku baaheyso dhinaca koonfureed ee Gaza. 

"Waa wax argagax leh. Waqooyiga Gaza waxaa ka jirta macluul ba'an, waxayna hadda u socotaa dhanka koonfureed." Ayay tiri haweeneydan oo la hadashay NBC.

Cindy McCain ayaa ku baaqday in la badbaadiyo nolosha 2.3 milyan oo qof, taas oo lagu heli karo in la joojiyo colaadda, gargaarka oo bad iyo barriba ka galo dhulka sida adag loo go'doomiyay.

Waxay sheegtay inay muhiim tahay in dunida ay u istaagto ka hortagga masiibada bani'aadantinimo ee Gaza, lana joogteeyo gargaarka la gaynayo dhulka ay colaadda ka jirto.

"Waxa aan codsanayno iyo waxa aan si joogto ah u codsanayno waa xabad joojin iyo inaan awood u leenahay marin aan xanibneyn, si aan ammaan ugu galno meelaha kala duwan iyo isgoysyada la isaga gudbo." Ayay tiri Cindy McCain.

Qaramada Midoobey iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in waxa ka socda Gaza ay u dhigmaan dembiyo dagaal.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa mar sii horreysay sheegay in Ciidamada Israel ay dembiyo dagaal ka gaysanayaan Gaza.

Volker Türk ayaa sheegay in burburinta ballaaran ee lagu hayo dhismayaasha Gaza, dilka iyo gaajeysiinta dadka rayidka ah ay u dhigmaan dembiyo dagaal.

Israel ayaase Qaramada Midoobey iyo ururada caalamiga ah ku dhalleeceysay in ay ka masuul yihiin dhibaatooyinka ka jira xagga gargaarka.

Israel ayaa hay'adaha gargaarka ku eedeysay in ay ka gaabiyeen waajibaadkii loo igmaday.

Israel oo garab iyo gaashaanba ka haysata Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa marar badan beenisay in ay beegsaneyso dadka rayid ah, isla-markaana ay jebisay axdiga ka hortagga xasuuqa, dembiga amaba heshiiskii Geneva.

Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa dhawaan sheegay in shaqaalahooda la gaarsiiyay heer aanay ka hawlgeli karin Marinka Gaza.

Martin Griffiths ayaa dhalleeceeyay weerarada naxariis darrada ah ee Ciidamada Israel ee ay sida xowliga ah ugu dhimanayaan dadka shacabka ah, taas oo ay barbar socoto carqaladeynta lagu hayo sida uu yiri gargaarka naf badbaadinta ah.