Qaraxyo laga maqlay mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka Pakistan

Magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa saaka laga maqlay qaraxyo, xilli ay taagan tahay xiisadda aadka u sarreyso ee Pakistan kala dhaxeysa India.
Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa goobjoogeyaal ayaa ku warantay in qaraxyo laga maqlay magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in illaa saddex qarax laga maqlay Waddada Walton, isla-markaana ay qaraxyadan jahwareer badan ka abuureen magaalada.
Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareeray meel ku beegan Machadka Naval, oo ah Kulliyadda Ciidanka Badda Pakistan ee Lahore.
Gaadiidka gurmadka degdegga iyo kuwa dab-demiska ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa saraakiil reer Pakistan ka soo xigatay in la xiray Garoonka Diyaaradaha Allama Iqbal ee magaalada, ka dib markii uu qarax xoogan ka dhacay meel u dhow garoonkaasi.
Dowladda Pakistan iyo hay'adaheeda amniga ayaan weli wax war ah ka soo saarin, sida ay wax u dhaceen iyo haddii weerar dibadda ah lagu soo qaaday.
Hase yeeshee saraakiil aan la magacaabin ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu soo riday agagaarka Waddada Walton.
Qaraxyada laga maqlay magaalada bariga Pakistan ku taala ee Lahore ayaa imanaya, soddon saacadood uun ka dib, markii India ay duqaysay sagaal goobood oo ku kala yaala dhulka ay Pakistan ka maamusho Gobolka Kashmir iyo weliba gudaha Pakistan.
Weerarkan ayaa xiisad aan caadi ahayn ka dhex dhaliyay labada dal, waxaana laga cabsi qabaa in uu horseedo isku dhac ballaaran.