Qatar oo shaacisay in Israel iyo Xamaas ay gaareen heshiis xabad joojin ah

Dowladda Qatar ayaa goor dhow ku dhawaaqday in Israel iyo Xamaas ay gaareen heshiis xabad joojineed, ka dib dadaalo is daba joog ah oo labada dhinac laga dhex waday.
Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha oo shir jaraa'id ku qabtay Caasimadda Doha ayaa sheegay in heshiisku uu horseedi doono sii deynta maxaabiista labada dhinac iyo in gargaar bani'aadantinimo oo macno leh la gaarsiiyo dadka reer Gaza.
"Xabad joojin Gaza ayaa dhaqangeli doonta maalinta Axadda ee 19-ka bisha January." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaare Al Thani ayaa intaasi ku daray inay sii socdaan wada hadalada u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee ku saabsan hirgelinta heshiiska.
Heshiiska ayaa dhaqangeli doona maalin ka hor munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump.
Trump oo xilka loo doortay 5-tii bishii November ayaa lagu wadaa in xafiiska uu la wareego 20-ka January.
Trump ayaa la fahamsan yahay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu khasab kaga dhigay in maamulkiisu uu aqbalo heshiiska xabad joojinta, ka dib muddo dheer oo Tel Aviv ay carqaladeynaysay wada hadalada xabad joojinta Gaza.