Qatar oo sheegtay inay soo ridday laba diyaaradood oo SU-24 ah

Wasaaradda Gaashaandhiga Qatar ayaa sheegtay in Isniintan ay soo rideen laba diyaaradood oo Sukhoi ah, isla-markaana uu noocoodu yahay SU-24 oo Iran ay leedahay.

Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Ciidanka Cirka ee dalkaasi ay si guul leh u soo rideen diyaaradahan, oo oo warka lagu sheegay inay ka yimideen dhinaca Iran.

"Ciidanka Cirka Qatar ayaa si guul ah u soo riday laba diyaaradood oo SU-24 oo ka yimid Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ka hortaggeen toddobo gantal oo ballaastik ah iyo shan diyaaradood oo drones ah, kuwaas oo la doonayay in lagu bartilmaameedsado goobo badan oo ku yaala dalkaasi.

"Dhammaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la toogtay, ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedyadooda." Ayaa lagu yiri warka.

Dhanka kale Wasaaradda Difaaca Qatar ayaa muwaadiniinta iyo ajaaniibta ku sugan dalkaasi ugu baaqday in ay is dejiyaan, isla-markaana ay raacaan awaamiirta ay soo saaraan hay'adaha amniga.

Wasaaradda ayaa ku nuuxnuuxsatay in Ciidamada Qalabka Sida ee Qatar ay awood buuxda u leeyihiin inay ilaaliyaan madaxbannaanida iyo dhulka dalkaasi.