Raysal Wasaaraha Israel oo gaaray Washington iyo caqabadaha ku horgudban
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa gaaray Magaalada Washington, xilli uu wajahayo cadaadis xoogan oo ka dhashay weerarada ay ciidamadiisu ka wadaan Marinka Gaza.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib u dhac uu ku yimid kulankii la qorsheeyay ee lagu waday in Raysal Wasaaruhu uu Aqalka Cad kula yeesho Madaxweyne Joe Biden, taas oo loo aaneynayo Madaxweynaha oo weli la tacaalaya xanuunka COVID-19, oo toddobaad ka hor laga helay.
Xafiiska Madaxweyne Biden ayaan weli xaqiijin, haddii si toos ah loo baajiyay kulankaasi iyo haddii ay saacadaha dambe ee Talaadadan kulmi doonaan labada nin.
Arrinta shakiga keentay ayaa ah, Biden oo Isniintii jeediyay hadalkiisii ugu horreyay ee tan iyo toddobaadkii hore ayaan soo hadal qaadin kulankii uu Talaadadan la lahaa Netanyahu. Saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay in Madaxweynuhu uu shaqada ka maqnaan doono saddexda illaa afarta maalmood ee soo socda.
Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris ayaa la sheegaya in ay la kulmi doonto Raysal Wasaaraha Israel, iyadoona shalay bilowday ololaheeda ay taageerada uga raadsaneyso xisbigeeda.
Ka dib markii Madaxweyne Biden uu Axaddii soo saaray qoraal uu ku sheegayo in uu isaga haray tartanka doorashada madaxtinimada ee bisha November ayaa waxay taasi Kamala Harris u siisay fursad ay ku noqon karto Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ku metelaya doorashada, inkastoo go’aanka kama dambeysta ah ee xisbiga uu weli harsan yahay, iyadoona dadaal ugu jirto in ay hesho taageerada xubnaha xisbiga.
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa lagu wadaa in Arbacada uu khudbad ka jeediyo Aqalka Congress-ka.
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Netanyahu uu codsaday inuu la kulmo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, inkastoo xafiiska ololaha Trump aanu weli wax war ah ka soo saarin, haddii Trump uu qaabili doono Netanyahu iyo in kale.
Warbaahinta ayaa fahamsan inay jirto xurguf u dhaxeyso Trump iyo Netanyahu, taas oo ka dhalatay markii Raysal Wasaaruhu uu Madaxweyne Biden ugu hambalyeeyay guushiisa doorashada ee sanadkii 2020, oo Trump uu u arkayay mid lagaga shubtay.
Trump ayaa sidoo kale bishii April uga digay Netanyahu sii socoshada dagaalka Gaza, isagoona adkeeyay in ay ku laabtaan miiska wada hadalka, isla-markaana ay ciidamadiisu joojiyaan dilka dadka rayidka ah. Trump waxa uu u muuqdaa mid weli xusuusan madax adeygii Netanyahu.
Dadka u ololeeya qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta iyo shacabka Mareykanka ee diidan dembiyada ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa la filayaa in ay ku hor bannnaanbaxaan meelaha uu booqanayo Netanyahu, muddada uu ku sugan yahay dalkaasi.
Inkastoo safarka Netanyahu ee Washington uu ahaa mid la qorsheeyay bishii June, haddana booqashadiisan ayaa ku soo aadaysa, xilli uu tanaasulay Madaxweyne Biden, dalkuna uu galay olole doorasho.
Tani ayaa xiriirka Washington iyo Tel Aviv ka dhigeysa mid hubanti la'aanta ah, inta doorashada ay dhinac u dhaceyso, sababo ku aaddan xasaasiyadda ay leedahay colaadda Gaza, inkastoo Aqalka Cad uu sii wadi doono taageerada difaaca ee Israel, haddii ay caqabad amni soo food saarto.
Kororka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee dadka reer Gaza ayaa keentay in Israel lagaga kaco dalka Mareykanka. Colaaddan oo si weyn u saameysay shacabka Mareykanka ayaa si aan looga baran uga horyimid Israel, waana markii ugu horreysay oo waxyaabo ka dhacaya dibadda ay sidaan oo kale u saameeyaan gudaha Mareykanka, iyadoo ayna noqonayso markii koowaad oo Israel ay si weyn u lumiso taageerada shacabka Mareykanka, tan iyo aasaaskii dowladnimadeeda.
Dareenka kacsan ee shacabka Mareykanka ayaa labada xisbi ee dalkaasi ugu weyn ku riixeysa in ay xadidaan taageerada Israel, si aanay u carqaladeyn ololahooda doorashada iyo loolanka jeegada madaxtinimada. Shacabku waa kuwa go'aamin doona cidda talada dalkaasi hayn doonta muddo xileedka dambe ee afarta sano ah.
Hadda waxaa la leeyahay Netanyahu waxa uu arkaa in xiriirka labada dhinac uu wajahayo is bedel suurtagal ah, isla-markaana uu isku dayi doono in uu aasaas cusub u dhigo maamulka soo socda ee Mareykanka.