Raysal Wasaaraha Pakistan oo booqday Xarunta Safaaradda Shiinaha ee Islamabad

Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa booqday Xarunta Safaaradda Shiinaha ee Magaalada Islamabad, ka dib weerarkii Talaadadii ee lagu dilay shan ka mid ah injineeradaha Shiinaha ee gacanta ku haya biyo xireenka Dasu.

Raysal Wasaaraha ayaa la kulmay Safiirka Shiinaha ee dalkaasi, Danjire Jiang Zaidong, isagoona u sheegay sida uu uga xun yahay weerarkaasi.

War ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in dowladdu ay waddo baaritaan ballaaran, isla-markaana ay ciqaabi doonaan ciddii ka dambeysay weerarka.

Warka Raysal Wasaare Shehbaz Sharif ayaa imaanaya, ka dib markii Safaaraddu ay dowladda ka dalbatay in si buuxdo loo baaro weerarka, caddaaladdana ay horkeento dembiileyaasha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi ayaa goor sii horreysay wacad ku maray in dowladda ay gacan bir ah ku wajihi doonto kuwii ka masuulka ahaa weerarkaasi.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in weerarku uusan si xun u saameyn doonin xiriirka labada dal.

Injineerada Shiinaha ayaa lagu dilay ismiidaamin ka dhacday Degmada Shangla ee Gobolka Khyber Pakhtunkhwa, ka dib markii nin kaxeynayay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu bartilmaameedsaday gaarigii ay la socdeen. Injineeradan oo lala dilay darawalkoodii oo muwaadin Pakistani ahaa ayaa la weeraray, xilli ay ka soo ambabaxeen Caasimadda Islamabad, ayna ku sii jeedeen Magaalada Dasu, oo uu ka socdo dhismaha biyo xireenka la doonayo in laga dhaliyo korontada, isla-markaana ay dhiseyso shirkad Chinese ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, balse waxaa lala xiriirinaya kooxaha gooni u goosadka ee Baluch, kuwaa oo horey u sheegtay weeraro noocan oo kale ah.

Shiinaha ayaa saaxiib dhow la ah Pakistan, waxaana uu maalgashi ballaaran ku sameeyay mashaariic kala duwan oo laga fulinayo dalkaasi, ha yeeshee badqabka muwaadiniintiisa ee ka shaqeeya mashaariicdaasi ayaa waxaa inta badan khatar ku ah kooxaha hubeysan ee gobolka.