Raysal Wasaaraha Qatar oo sheegay in ay ka jawaabi doonaan weerarkii Israel

Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa ku hanjabay in dalkiisu aanu ka waaban doonin in ay ka jawaabaan weerarkii ay Israel shalay ka gaysatay dalkaasi.
Raysal Wasaaraha Qatar ayaa wacad ku maray inaysan si naba uga aamusi doonin weerarkan, isagoona yiri "Qatar ma sii deyn doonto middan."
Raysal Wasaaraha oo xalay shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Doha ayaa sheegay in aan la iska indha tiri karin weerarka xadgudubka qaawan ah ay Israel ku soo qaadday dalkiisa.
Waxa uu intaasi ku daray in Qatar ay abaabuleyso dhammaan waxyaabaha ay u baahan tahay in ay kaga jawaabto weerarkan, oo ka baxsan buu yiri hadalo iyo cambaareyn, oo ay qayb ka tahay samaynta koox sharciyeed, si ay ula xisaabtamaan Israel.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in tallaabooyinka la qaadi doono lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda, si ay uga jawaabayaan sida uu yiri weerarka dowladda argagixisada ah ee Benjamin Netanyahu uu hoggaamiyo.
Raysal Wasaaraha Qatar ayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku eedeeyay inuu wiiqay xasilloonida Bariga Dhexe, si uu ugu raadsado sida uu yiri qiyaali nacasnimo iyo dano gaar ah.
Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Hoggaamiyaha Israel in uu qaribay oo uu xumeeyay dhammaan dadaaladii nabadda ee xalka loogu raadinayay in la soo afjaro dagaalka Gaza iyo sii deynta maxaabiista.
Isaga oo ku fogaanayay dhalleeceyntiisa Netanyahu ayaa wuxuu sheegay inuu gobolka u horseedayo fowdo iyo xaalad khalaafsanaan ah, heer aan laga laaban karin.
Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, Raysal Wasaaraha Qatar ayaa dalalka Bariga Dhexe ugu baaqay in ay isu yimaadaan, si ay u maareeyaan Israel.
"Maanta waxaan gaarnay heer aan dhammaanteen gobolka oo dhan wax uga qabano falalkoodaas waxashnimada ah." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Qatar.
Mar wax laga weydiiyay in diblomaasiyadda Qatar ay sii socon doonto, si ay xabad joojin uga dhaqangasho Marinka Gaza ayuu sheegay in Doha ay sii wadi doonto wax kasta oo lagu joojin karo dagaalka, isaga oo intaasi ku daray in dalkiisu aanu ka tagi doonin doorkiisa dhexdhexaadinta.
Hase yeeshee wuxuu sheegay in weerarka Israel ay u badan tahay inuu hoos u dhigay in la dhaqaajiyo hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta Gaza ee Madaxweyne Donald Trump uu soo jeediyay.
"Uma malaynayo inay jiraan wax sax ah hadda ka dib, markii aan aragnay weerarka noocaas ah." Ayuu yiri Raysal Wasaare Al Thani.
Israel ayaa weerarkan ku bartilmaameedsatay Xarunta Hoggaanka Siyaasadda Xamaas ee Magaalada Doha, xilli Saraakiisha Xamaas ay gorfeynayeen hindisaha xabad joojinta Gaza ee Trump.
Al Thani ayaa tilmaamay in weerarka ka dib ay aad u yar tahay rajada in si dhakhsa ah loo dhameeyo colaadda Gaza, isagoona masuuliyaddeeda dusha kaga tuuray Israel.
Al Thani oo is dultaagay doorka Mareykanka ayaa sheegay in Saraakiisha Mareykanka ay la soo xiriireen Dowladda Qatar 10 daqiiqo ka dib weerarka, si ay uga diggaan weerarka.
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay inay Qatar siiyaan ogeysiis ku saabsan weerarka, inkastoo Raysal Wasaaraha dalkaasi uu gaashaanka u daruuray.
"Kani wuxuu ahaa weerar qiyaano ah boqolkiiba boqol (100%), lama ogaan illaa uu dhacay." Ayuu yiri Al Thani.
Al Thani oo qiil u yeelaya sababta ka qaran ahaan ay uga hortagi waayeen duulaanka hawada ee lagu soo qaaday ayaa ku andacooday in raadaarku uusan qaban diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka loo adeegsaday, taasna ay keentay inay fashilin waayaan.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in dowladdu ay ogolaansho ka heshay Madaxweyne Trump, ka hor inta aysan weerarkan ka gaysan dalkaasi Qatar.
Iyadoo Israel ay ka faa'iideysaneyso awoodda Mareykanka ay jiheynayso ayay si joogta ah ugu xadgudubtaa shuruucda caalamiga ah, waxayna illaa iyo hadda u muuqataa mid aan la joojin karin.