Raysal Wasaaraha Spain oo ku baaqay in lala xisaabtamo Israel

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay inaanan la aqbali karin weerarada Israel ee Lubnaan, isagoo daba jooga duqaymaha ay dadka faraha badan ku dhinteen ee ay Israel shalay ka gaysatay dalkaasi.
Raysal Wasaaraha Spain ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay, sida Israel ay u muujisay tixgelin la'aanteeda nolosha dadka rayidka ah iyo sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada, oo sida uu yiri aan la aqbali karin.
Raysal Wasaare Pedro Sanchez ayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in uu weerarkii ugu xumaa Arbacadii ka gaystay Lubaan, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Raysal Wasaare Sanchez ayaa tibaaxay in ay tahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xakameynayo Israel, isagoona Midowga Yurub ku booriyay in la hakiyo heshiiskii iskaashiga ee sanadkii 1995-kii lala galay Israel, si loogu ciqaabo weerarka ay ku qaadday Lubnaan, iyadoo uu jiro heshiis xabad joojin ah.
"Lubnaan waa inay ka mid noqoto xabad joojinta." Ayuu yiri Sanchez oo tixraacaya xabad joojinta Iran iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen habeenkii Talaadada, wuxuuna intaasi ku daray "Waa in Beesha Caalamka ay cambaareyso xadgudubka cusub ee lagu sameeyay sharciga caalamiga ah."
Sanchez oo sii hadlayay ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo Israel, si aysan caddaaladda uga baxsan dembiileyaasha ku lugta leh rabshadaha iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyaa in ay dhaqan ka dhigteen waxyeeleynta dadka rayidka ah iyo burburinta hantidooda, iyaga oo aan ka baqayn cawaaqib sharci iyo mid siyaasadeedba, taasoo ay ugu wacan tahay waa inaysan u baran in lala xisaabtamo.


