Raysal Wasaare Netanyahu: Mareykanka meel cidlo ah ayuu nooga dhaqaaqay

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa weerar afka ah ku qaaday Mareykanka, ka dib markii Mareykanka uu Isniintii ka aamusay qaraarkii uu meelmariyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee lagu dalbanayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in gargaar mug leh la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Qaraarka ayaa waxaa taageeray 14 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, iyadoona uu Mareykanku ahaa dalka qura ee ka aamusay. 

Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Gaza, Mareykanka ayaa saddex jeer Veto ku hor istaagay qaraar ay Qaramada Midoobey ku codsaneysay in la soo afjaro duulaanka Israel ee Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa Mareykanka ku dhalleeceeyay sababta aanu isku hortaagin qaraarkan ugu dambeeyay, sidii uu horeyba saddexda jeer ugu adeegsaday diidmada qaxayan.

Waxa uu sheegay in qaraarku uu khasaare weyn ku yahay Israel, isla-markaana uu u xaglinayo Ururka Xamaas, maadaama sida uu yiri aanu qaraarka Xamaas khasab kaga dhigeynin in la sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Isagoo sii hadlayay ayuu Mareykanka ku eedeeyay inay bedeleen siyaasadahoodii hore, isla-markaana ay meel cidlo ah uga dhaqaaqeen Israel, sida uu yiri.

Inkastoo Xamaas ay soo dhaweysay qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka, haddana Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xamaas aysan dooneyn in la sii wado wada hadaladii labada dhinac ee uga socday dalka Qatar, waxayna taasi dhaawaceysaa buu yiri go'aankii Golaha Ammaanka.

Xamaas ayaa ku baaqday in xabad joojinta ay noqoto mid waarta, Ciidamada Israel-na ay dib ugu laabtaan goobihii ay ku sugnaayeen dagaalka ka hor, taas oo Tel Aviv ay ka biyo diiday.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa ku hanjabay inaysan u hoggaansami doonin qaraarka Golaha Ammaanka ee lagu joojinayo colaadda Gaza, isla-markaana ay sii wadi doonaan dagaalka uu sheegay inay ku burburinayaan Xamaas.

"Israel uma hoggaansami doonto dalabaadka dhalanteedka ah ee loogu hiilinayo Xamaas, waxayna sii wadi doontaa dagaalka, illaa iyo inta aan hadafkeenna ka gaarayno dagaalka. Waa inaan dib guryahooda ugu soo celinaa dhammaan dadka la afduubay, burburinta awoodda Xamaas iyo in la hubiyo in Gaza aysan mar dambe halis ku ahayn Israel." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Qaraarka uu ansxiyay Golaha Ammaanka ayaa adkeynaya in dagaalka la joojiyo muddada ka harsan bishan Ramadan, taas oo goluhu u arko mid horseedeysa xabad joojin waarta.

Qaraarkan ayaa ah sharci caalami ah oo ay tahay in si degdeg ah uu u dhaqangalo, waajibna ay tahay in Israel ay u hoggaansanto, balse jebinta Tel Aviv ayaan la ogeyn waxa ay dunida kaga falcelin doonto, haddii laga go'doominayo dunida inteeda kale iyo in kale.

Israel ayaa Talaadadii sii waday weeraradeeda baahsan ee Marinka Gaza, waana calaamad muujineysa sida aanay diyaarka ugu ahayn in ay u hoggaansanto go'aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.