Raysal Wasaare Netanyahu oo ka hadlay weerarka ay ka fuliyeen dalka Qatar

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka hadlay weerarkii aan horey loo arag ee ka dhanka ah Hoggaamiyeyaasha Xamaas ay ku qaadeen dalka Qatar, kaas oo dhexdhexaadiye muhiim ah ka ahaa wada hadaladii xabad joojinta Gaza iyo sii deynta maxaabiista ee Madaxweyne Donald Trump uu riixayay.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in duqaynta lagu qaaday Xarunta Hoggaanka Siyaasadda Xamaas ee Magaalada Doha ay horseedi karto in nabad lagu soo dabaalo Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha oo Warbaahinta ka soo muuqday ayaa sheegay in weerarku uu furayo albaabka lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, isagoona muujiyay in ay beegsadeen Hoggaamiyeyaasha Xamaas.
Xamaas ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay shan xubnood oo shaqaalahooda hoose ah, balse ay Israel ku guuldareysatay in ay disho ergada ku metesha wada hadalada.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid looga aargoosanayay toogashadii lixda qof ku dhinteen ee Isniintii ka dhacday Magaalada Qudus (Jerusalem) iyo weerarkii October 7-deedii ee sanadkii 2023 ay Xamaas iyo ururada kale ee Falastiiniyiinta ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.
Netanyahu ayaa sheegay in weerarku uu yahay mid si buuxda loo xaqdhowro, sababtoo ah waxaa lagu bartilmaameedsaday sida uu yiri hoggaamiyeyaasha sarsare ee Xamaas, oo uu ku eedeeyay inay soo abaabuleen weerarkii 7-dii bishii October.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada 8-dii bishan lagu amray inay u diyaargaroobaan weerar ay suurtagal tahay in la qaado, saacado ka dib toogashadii Magaalada Qudus.
Taliska Militariga Israel iyo Hay'adda Sirdoonka Gudaha ee Shin Bet ayaa war ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay inay fuliyeen duqaymo sax ah oo ka dhan ah Hoggaamiyeyaasha Xamaas.
Katz iyo Netanyahu ayaa si isku mid ah ugu eedeeyay Madaxda Xamaas in tan iyo weerarkii 7-dii October aysan joojin abaabulka hawlgalada ay sheegeen in lagu dilayo muwaadiniinta Israel.
Netanyahu ayaa sheegay in dowladdiisu ay aqbashay hindisihii ugu dambeeyay Mareykanka ee xabad joojinta Gaza, isagoona meesha ka saaray in ficiladooda ay wiiqayaan dadaalada nabadda ee gobolka.
Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay duulaanka hawada ee lagu soo qaaday dalkeeda, waxayna weerarka ku tilmaamtay mid fuleynimo ah, isla-markaana xadgudub bareer ah ku ah shuruucda caalamiga ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarka Israel, oo uu ku sheegay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida dalka Qatar.
Mr. Guterres ayaa amaanay doorka dhexdhexaadinta ee Doha, wuxuuna ku booriyay in ay sii waddo kaalinteeda diblomaasiyadeed, si xabad joojin waarta looga sameeyo Gaza.