Raysal Wasaare Netanyahu: Weerarada ka dhanka ah Xamaas waa kuwo hadda uun bilow ah

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in duqaymaha lagu bartilmaameedsanayo goobaha Xamaas ee Gaza ay hadda uun bilow yihiin.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca Israel ay garaaceen ku dhawaad laba kun oo xarumood ay Xamaas ku leedahay Gaza, hawlgalada dhanka cirkana ay sii socon doonaan.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Israel ay si adag uga aargudan doonto weerarkii Xoogaga Xamaas ay Sabtidii ka gaysteen sida uu yiri Israel.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa khudbad uu u jeedinayay shacabkiisa ku sheegay in Israel ay u dagaalameyso jiritaankeeda.

"Xamaas waxaan gaarsiin doonnaa xaalad quus ah, maxaa yeelay Israel waxay u dagaalameysaa jiritaankeeda." Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ku goodiyay in ciidamadiisu ay go'doominta Gaza kaga jari doonaan biyaha, shidaalka iyo sahayda cuntada.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa dhalleeceeyay go'aanka ay Israel go'doomin dhameystiran ku gelinayso Gaza.

Maamulka Israel ayaa sheegay inaanay xitaa ogolaan doonin in Gaza la geeyo shidaalka iyo sahayda cunnada, isla-markaana ay ku sii jiri doonto koronto la'aanta iyo adeegga biyaha ee ka go'an.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay in Ciidamada Israel ay qaadaan hawlgalo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah.

Xoghayaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isagoona ku baaqay in la sii daayo maxaabiistii Sabtidii lagu qabtay weerarka.

"Waxaan mar kale ku celinayaa baaqayga ku aaddan in si degdeg ah loo joojiyo weerarada, isla-markaana loo sii daayo maxaabiista." Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Xoghaye Guterres oo Warbaahinta kula hadlayay Xarunta Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin tabashada Falastiiniyiinta, balse aan wax qiil ahi loo raadin karin falalka argagixisanimada.

"Waxaan aqoonsanahay tabashada shacabka reer Falastiin, laakiin qiil looma raadin karo falalka argagixisanimada, dilka iyo afduubka dadka rayidka ah." Ayuu yiri Xoghayuhu.

Mareykanka ayaa maraakiibtiisa dagaalka, ciidamo, hub iyo gargaar bani'aadanimo u diray Israel, si Maamulka Bariga Dhexe ka dhisan looga gacan siiyo dagaalka Xamaas.