Recep Tayyip Erdogan oo dib loogu doortay xilka madaxtinimada Turkiga

Madaxweynaha talada haya ee dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee maanta ka dhacday dalkaasi.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu, waxaa la tiriyay boqolkiiba 97 sanaadiiqda codbixinta, iyadoona uu Madaxweyne Erdogan helay 52.1%, halka Kemal Kilicdaroglu uu isna helay 47.9 boqolkiiba.

Tani ayaa ka dhigan in Erdogan uu xafiiska sii joogi doono 5-ta sano ee soo socota.

Guddiga Doorashooyinka Turkiga ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan natiijada doorashada.