Roobabkii ugu dambeeyay ee Muqdisho oo fadeexad ku noqday Maamulka Gobolka Banaadir
Roobab xoogan ayaa maanta ka da'ay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay daadad ku soo rogmadeen qaybo ka mid ah xudunta caasimadda.
Roobabkan ayaa biyo dhigay waddooyinka, waxayna biyuhu xanibeen isu socodka dadka iyo gaadiidka ee guud ahaanba magaalada.
Waddooyinka iyo isgoysyada ayaa ku soo haray biyaha hoostooda, iyadoo ay istaageen gawaaridii, shacabkiina ay ku khasbanaadeen in ay maraan biyaha daadsan.
Roobabkan ayaa daaha ka rogay inaanan waxba laga qaban dhibaatooyinkii biyo mareenada daba dheeraaday ee magaalada, taasoona fadeexad ku ah Maamulka Gobolka Banaadir.
Roobabkan ka da’ay magaalada ayaa soo bandhigay, sida loogu guuldareystay wax ka qabashada biyo mareenada iyo caqabadaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee soo wajahay magaalada, waana xilli dhawaan laga digay in roobab celceliska ka sarreya ay ka da'i doonaan Gobolada Koonfureed, shacabkana loogu baaqay inay ka fogaadaan meelaha ay fatahaaduhu ka dhacaan, oo ay ku jiraan deegaanada ay webiyadu maraan.
Wararka ayaa sheegaya in roobabkii ugu dambeeyay ay xitaa burbur u gaysteen waddooyinkii qaar ee Muqdisho ee dhawaan dayactirka lagu sameeyay.
Dadka reer Muqdisho ayaa carro xoog leh ka muujiyay inaanan canshuurtooda loogu dhisan waddooyin u adkeysan kara roobabka mahiigaanka ah, iskaba daa in la maareeyo caqabadihii soo jireenka ahaa ee marinada biyaha.
Daadadku waa dhibaato soo noqnoqotay oo ka jirta Muqdisho, taas oo loo sababeeyo fiditaanka magaalada oo si xowli ah ku socda iyo nidaamyada biyo mareenada oo xadidan.














