Ruushka iyo reer galbeedka oo sameeyay maxaabiis is dhaafsigii ugu ballaarnaa

Ruushka iyo dalalka reer galbeedka ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii sameeyay maxaabiis is weydaarsi, tani oo noqonayso tiradii ugu badneyd ee ay is dhaafsadaan, tan iyo intii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa.

Wada-xaajoodyada heshiiska maxaabiista la isku dhaafsaday oo socday muddo sanad iyo bar ah ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Turkiga, iyadoona lagu ammaanay doorkiisii dhexdhexaadineed.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in ay dhinacyadu is weydaarsadeen 24 maxbuus, isla-markaana ay maxaabiista isku dhaafsadeen Magaalada Ankara, gaar ahaan dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan ee garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Dowladda Ruushka ayaa sii deysay 16 maxbuus, iyadoona ku bedelatay 8 maxbuus oo Russian ah oo ku xirnaa xabsiyada dalalka reer galbeedka.

Maxaabiista Ruushka ee la sii daayay ayaa diyaaraddii ay la socdeen waxay gaartay Magaalada Moscow, iyadoona uu soo dhaweeyay Madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa maxaabiista qaarkood oo askar ahayd uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay qarankooda u qabteen.

Dhanka kale diyaarad sidday maxaabiistii uu Ruushku sii daayay, gaar ahaan kuwoodii u dhashay Mareykanka ayaa ka caga dhigatay Magaalada Washington, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweyne Joe Biden iyo haweeneyda Madaxweyne Kuxigeenka u ah Kamala Harris.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in sii deyntooda ay ku timid dadaalo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajoodyo dheer oo muddooyinkii ugu dambeysay ay kula jireen Ruushka.

Madaxweyne Biden oo mar sii horreysay Warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad ayaa bogaadiyay heshiiska maxaabiis is dhaafsiga, waxaana uu u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaysatay sii deysmadooda.

"Tani suurtagal ma noqoteen xulafadayada la'aanteed." Ayuu yiri Biden oo intaasi ku daray "Maanta waa tusaale xoogan, oo ah sababta ay muhiim u tahay in saaxiibo lagu yeesho adduunkan."

Tirada maxaabiista reer galbeedka ee la sii daayay ayaa waxaa ku jira 5 u dhashay dalka Jarmalka iyo 7 kale oo u dhashay Ruushka, balse haysta laba dhasho, waxaana ka mid ah Vladimir Kara-Murza oo Russian ah, sidoo kalena haysta kaarka cagaaran ee deganaanshaha Mareykanka. Ninkan ayaa ka mid ah dadka sida weyn u dhalleeceeya Madaxweynaha Ruushka. Dadka kale ee la sii daayay waxaa ka mid ah Saxafiyadda Ruushka-Mareykanka ah ee Alsu Kurmasheva iyo sidoo kale Wariye Evan Gershkovich oo u shaqeynayay Wargeyska The Wall Street Journal.

Maxaabiista Ruushka ee ku xirnaa dalalka reer galbeedka ayaa laga sii daayay xabsiyo ku kala yaala Mareykanka, Norway, Jarmalka, Poland iyo Slovenia. Carruurta laba ka mid ah maxaabiista ayaa sidoo kale ku laabtay dalka Ruushka.

Maxaabiista laga sii daayay xabsiyada Ruushka iyo kuwa reer galbeedka ayaa horey loogu helay dembiyo ay ka mid yihiin falal basaasnimo iyo dil.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Turk ayaa si diiran u soo dhaweeyay is dhaafsiga maxaabiista.

Volker Turk ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay xabsiyada ka sii daayaan dhammaan Saxafiyiinta iyo difaacayaasha xuquuqda ee weli u xiran shaqadooda, sida uu yiri.

Turkiga oo fududeeyay heshiiskan ayaa u muuqday mid tan iyo intii uu socday dagaalka Ukraine ka shaqeynayay isku soo dhaweynta xulafada Mareykanka iyo Ruushka oo cilaaqaadkoodu gaaray meeshii ugu hooseysay.

Warbaahinta ayaa fahamsan in tan iyo wixii ka dambeeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine ay meeshii ugu sarreysay gaartay xurgufta Washington iyo Moscow.

Turkigu waa dal xubin ka ah Gaashaanbuurta NATO, haddana xiriir dhow la leh Ruushka, waana dal ay Ruushka wadaagaan Badda Madow.

Waa heshiiskii ugu weynaa oo maxaabiis is weydaarsi ah oo Ruushka iyo reer galbeedka ay sameeyaan, tan iyo burburkii Midowgii Soofiyeeti.