Ruushka iyo Shiinaha oo xiriirkooda ku sheegay mid aad u sarreya

Raysal Wasaaraha Ruushka, Mikhail Mishustin oo Arbacadii booqasho ku tegay xarunta dalka Shiinaha ee Beijing ayaa la kulmay Madaxweyne Xi Jinping iyo dhiggiisa dalkaasi Li Qiang.

Raysal Wasaaraha Ruushka ayay dowladdiisu taageero u raadineysaa duulaankeeda Ukraine, oo haatan galay bishiisii 16aad.

Raysal Wasaare Mikhail Mishustin ayaa sheegay in xiriirka Moscow kala dhaxeeya Beijing uu marayo heerkii ugu sarreyay, inta ay taariikhda qoreyso.

Waxa uu sheegay in cadaadiska Reer Galbeedka uu xiriirka labada dal gaarsiiyay mid aan horey loo arag, iyadoona masuuliyiinta labada dal ay saxiixeen heshiisyo ku saabsan iskaashiga ganacsiga iyo ciyaaraha. Iskaashiga ganacsi ee labada dal ayaa sanadkii hore gaaray boqol iyo sagaashan bilyan oo dollar ($190), sida ku cad xogta kastamka Shiinaha.

Mikhail Mishustin, Raysal Wasaaraha Ruushka ayaa tilmaamay in xiriirka laba geesood uu ku qotomo ixtiraamka wadajirka ah iyo danaha midba midka kale uu ka leeyahay rabitaanka ah in si wadajira looga jawaabo caqabadaha ku aaddan kororka cadaadiska Reer Galbeedka.

"Waxa lagu gartaa ixtiraamka labada dhinac ee danaha midba midka kale, rabitaanka in si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha, taas oo la xiriirta kororka qulqulatooyinka caalamiga ah iyo qaabka cadaadiska ee Reer Galbeedka." Ayuu yiri Raysal Wasaare Mishustin.

Raysal Wasaaraha Shiinaha, Li Qiang oo ka barbar hadlayay dhiggiisa Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in xiriirka labada dal uu sanadkan ka xoogan yahay sidii hore.

"Iskaashiga wanaagsan ee Shiinaha iyo Ruushka waxaa udub dhexaad u ah adkeysi iyo yididiilo weyn, waxaana uu sanadkan noqday sii horumara." Ayuu yiri Raysal Wasaare Li Qiang.

Waxa kaloo uu yiri "Shiinaha waxa uu daneynaya inuu Ruushka kala shaqeeyo dhaqangelinta arrimaha ay isla garteen labada Madaxweyne, uuna dhiirigeliyo in heer wanaagsan la gaarsiiyo iskaashiga wanaagsan ee dhinacyada kala duwan leh."

Shiinaha ayaa bishii February soo bandhigay qorshe ka kooban 12 qodob, oo nabad loogu soo dabaali lahaa Ukraine, balse xulafada Kyiv ayaa si adag uga horyimid, iyagoona sheegay in Moscow ay tahay in ay isaga baxdo dhulka Ukraine.

Raysal Wasaare Mishustin ayaa noqonaya masuulkii ugu sarreyay ee Ruushka ah ee booqda Shiinaha, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi Ukraine.