Ruushka oo Mareykanka ku eedeeyay inuu ka masuul yahay dembiyada ka dhacaya Gaza
Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa Mareykanka dusha kaga tuuray masuuliyada dembiyada joogtada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Wasiirka ayaa sheegay in Mareykanka uu Israel ku gacan siinayo dagaalkan, haddii uu yahay kan sida weyn kaga taageeraya dhinacyada siyaasadda iyo militariga, isla-markaana uu gadaal ka taagan yahay ciqaab wadareedyada ay Israel u gaysaneyso dadka rayidka ah.
Waxa uu sheegay in siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe ay gobolka ka abuurtay rabshado aan horey loo arag.
“Rabshadaha aan horey loo arag ee hadda ka socda Bariga Dhexe ayaa inta badan ka dhashay siyaasadda Mareykanka ee gobolka.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa ku waramaya in khasaaraha uu dagaalku gaystay muddada 10-ka bilood ah uu laba laab ka badan yahay khasaaraha shacabka ka soo gaaray tobankii sano ee dagaalku uu ka socday dalkaasi Ukraine.
“Aan u dhigno sidaas. 10 bilood gudahood waxaa la dilay ku dhawaad 40 kun oo qof, waxaana la dhaawacay 90 kun oo shacab Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan carruur iyo haween.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada New York ayaa yiri “Tani waxay laba laab ka badan tahay tirada dadka rayidka ah ee labada dhinac ku dhintay 10-kii sano ee ay colaaddu ka socotay koonfur bari Ukraine. 10 bilood ayuu khasaaraha rayidka ee Gaza laba laab ka badan yahay iska horimaadyada ka bilowday Ukraine, ka dib kacdoonkii bishii February ee sanadkii 2014.”
Wasiir Lavrov ayaa sheegay, ka dib weerarkii ciidamadooda ay 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku qaadeen Ukraine ay tan iyo xilligaa beegsanayeen kaabeyaasha militari ee Ukraine, si ka duwan taasi ay Ciidamada Israel dagaalkan ka dhigeen mid ay ku ciqaabayaan bulshada Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.
Wasiirka oo eedeynaya Israel ayaa sheegay in la dagaalanka Xamaas ay u weecisay mid aan kala sooc lahayn.
Dunida ayaa dagaalkan ku tilmaamtay mid ka dhan ah dadka rayidka ah, isla-markaana ay Israel ka gudubtay khadka cas ee bani’aadantinimada, marka aad eegto in ciidamadeeda ay hadafyo militari ka dhiganayaan dhulka ay rayidku ku badan yihiin iyo weliba goobaha ka caagan dagaalada, sida isbitaalada, iskuulada, masaajida, kaniisadaha iyo kaabeyaasha kale ee rayidka, taas oo ay dheer tahay in Militariga Israel ay hortaagan yihiin gargaarka bani’aadantinimo ee ay sida weyn ugu baahan yihiin shacabka aan hubeysneyn ee ciriiriga lagaga dhigay Marinka Gaza, kana dhalatay go’doominta daran ee lagu hayo.
Dhammaan gabood-faladan ayaa ka marqaati kacaya in dagaalka Israel ee Gaza uu baalmarsan yahay shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.
Iyadoo dunida oo dhan ay Israel eedeyneyso, haddana Tel Aviv ayaa diidan in ciidamadeeda ay dembiyo dagaal ka gaysanayaan Gaza, waana xilli Madaxda Israel ay cambaareyn xoog leh kala kulmayaan ku adkeysigooda ah in dagaalka uu sii socon doono.
Si kastaba ha-ahaatee Ruushku waxa uu ka mid yahay qiyaastii 150 dal oo aqoonsaday Dowladda Falastiin, balse Mareykanka ayaa aqoonsiga dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta ku xiraya in marka hore la damaanad qaado amniga Israel.
Mareykanka waa dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel, inkastoo duulaanka Israel ee Gaza uu keenay in Israel lagaga kaco dalka Mareykanka, isla-markaana ay mucaaradad xoog leh kala kulanto dadka dalkaasi.
Kororka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee dadka reer Gaza ayaa saameysay shacabka Mareykanka, kuwaa oo Madaxweyne Joe Biden culeys ku saaraya in Israel ay joojiso dagaalka lagu hoobtay.
Waa markii ugu horreysay oo waxyaabo ka dhacaya dibadda ay sidaan oo kale u saameeyaan gudaha Mareykanka, waana markii ugu horreysay oo Israel ay lumiso taageerada shacabka Mareykanka, tan iyo aasaaskii dowladnimadeeda.