Ruushka oo sheegay inuu si dhow isha ugu hayo natiijada doorashada Turkiga

Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka ayaa sheegay inay si dhow isha ugu hayaan natiijada doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in Moscow ay si dhow ula socoto wararka la xiriira doorashada dalkaasi Turkiga.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Moscow ay ixtiraami doonto go'aanka shacabka Turkiga.

“Waxaan daawaneynaa wararka ka imaanaya Turkiga, si weyn oo weliba xiiso leh. Waan ixtiraami doonnaa doorashada dadka Turkiga." Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa xusay inay rajeynayaan inaanu waxba iska bedelin xiriirka labada dal, iyadoo aan loo eegayn sida uu yiri natiijada codeynta ee Madaxweynaha.

"Si kastaba ha ahaatee, waxaan filaynaa in iskaashigayaga uu sii socon doono, qoto dheeraan doono iyo inuu ballaarto." Ayuu yiri Dmitry Peskov.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa la fahamsan yahay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, taas oo ay si weyn uga soo horjeedaan Mareykanka iyo xulafadiisa Reer Galbeedka.

Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa sidoo kale isha ku haya doorashadan, ee ay dadka reer Turkey go'aanka kaga gaarayaan mustaqbalka cidda maamuleysa dalkaasi, 5-ta sano ee ina soo aaddan.