RW Barre oo sheegay in hoos loo dhigay qiimaha lacagtii Xajka lagu tagi jiray

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in sanadkan hoos loo dhigay qiimihii laga qaadi jiray Xujeyda Soomaaliyeed ee tageysa dhulka barakeysan.
Raysal Wasaaraha ayaa fiidnimadii Talaadada Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in Xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyay lacag ka badan 8 milyan oo dollar, ka dib markii xukuumaddiisu ay meesha ka saartay musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xujeyda Soomaaliyeed sanadkan laga qaadi doono lacag dhan 4,484 dollar, halka horey looga qaadi jiray 5,230 dollar.
"Sanadkan sanadkii ka horreyay qiimaha Xajka marka la isku dardaro, waxay 5,230 dollar inta cad ee la yaqaano, maantana marka la isku soo dardaray waa 4,484 dollar. Marka waxaa u soo haray oo loo badbaadiyay qof kasta oo Xaaji Soomaaliyeed ah 745 dollar iyo sentiyo." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaaraha ayaa yiri "Marka la isku soo daro dadka Soomaaliyeed oo dhan, waxaa inoo badbaaday oo aan ku guuleysanay in aan badbaadino ama aan u reebno dadka Soomaaliyeed lacag gaareysa sideed milyan, shan boqol, toddobaatan iyo 2 dollar ($8000572) iyo sentiyo."
Raysal Wasaare Barre ayaa tilmaamay in ay si dhow ula socon doonaan qaabka ay shirkadaha ugu adeegayaan Xujeyda Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya qiimaha laga qaadi doono Xujeyda sanadkan ka soo xajineysa dalka.
Wasaaradda Diinta & Awqaafta ayaa dhawaan guddi gaar ah u xilsaartay adeegga Xajka, iyadoona wasaaraddu ay ruqsad siisay in ka badan 70 shirkadood oo ka shaqeeya howha Xajka iyo Xujeyda.


