Saan-saan colaadeed oo ka jirta xuduudda Lubnaan iyo Israel

Saan-saan colaadeed ayaa laga soo sheegaya xudududa u dhaxeysa Lubaan iyo Israel, iyadoo Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Israel ay sii wadaan duqaymaha ay isugu gaysanayaan deegaanada xadka.

Dhinacyada ayaa u muuqdo kuwo u biro tumanaya dagaal buuxa, taas oo ay fahamsan yihiin cawaaqibka daran ee ay ku yeelan karto Bariga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Militariga Israel uu haatan ciidan xoojin ah geeyay deegaanada waqooyiga Israel ee ku teedsan xuduudda koonfurta Lubnaan, ka dib duqayn aan caadi ahayn oo Xisbullah ay Khamiistii ka gaysatay deegaanada waqooyi ee xadka dhaca.

Xisbullah ayaa la sheegay in in ka badan laba boqol oo gantaalo iyo diyaaraadaha aan duuliyaha lahayn ay ku weerartay waqooyiga Israel, iyada oo ka jawaabeysa weerar xagga cirka oo Israel ay Arbacadii ka gaysatay koonfurta Lubnaan, kuna dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xisbullah.

Xoogaga Xisbullah ayaa beegsaday dhowr saldhig oo Ciidanka Difaaca Israel ay ku leeyihiin deegaanada xadka, iyadoo Israel ay kaga jawaabtay duqaymo culus.

Xoogaga Xisbullah ayaa sidoo kale Sabtidii garaacay bartilmaameedyo ku yaala waqooyiga Israel, ka gadaal markii diyaaradaha dagaalka Israel ay weerar xagga cirka ah ka fuliyeen bariga dalka Lubnaan, waan tallaabo u muuqatay mid ay Israel ku ballaarineyso colaadda xuduudda. Xisbullah ayaa wacad ku martay inaysan joojin doonin weerarada ay ku hayso waqooyiga Israel, inta uu socdo dagaalka Marinka Gaza.

Masuuliyiinta Israel ayaa ku hanjabay inaanan dagaal looga baaqsan karin xiisadda taagan, si guryahooda dib loogu soo celiyo ku dhawaad boqol kun oo Israeliyiin ah oo ku barakacay xiisadda xuduudda, inkastoo Wasiirka Difaaca, Yoav Gallant uu sheegay in Tel Aviv ay fursad siineyso dadaalada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in xiisadda lagu qaboojiyo.

Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem oo hadlay ayaa sheegay in Xisbullah ay ka go'an tahay in ay ka jawaabto weerarada Israel, iyadoo laga fogaanayo buu yiri waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah.

Sarkaalkan ayaa Israel uga digay inay ballaariso colaadda amaba inay weerar dhinaca dhulka ah ku soo qaaddo koonfurta Lubnaan, haddii kalena ay eedi doonto.

"Ballaarinta dagaalka Lubnaan ma ahan mid la saadaalin karo mustaqbalka dhow." Ayuu yiri Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah oo wareysi siiyay Warbaahinta Ruushka ee Sputnik.

Waxa uu sheegay in Israel ay muddo sagaal bilood ah weerar ku hayso Marinka Gaza, illaa iyo haddana aanay xaqiijin sida uu yiri hadafkeedii dagaalka.

"Israel ma hayso wax kale oo aan ka ahayn inay aqbasho shuruudaha Xamaas, sababtoo ah Xamaas ma joojin doonto iska caabinta, haddii aan xabadda la joojin iyo gardarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah." Ayuu yiri Naim Qassem.

Xisbullah ayaa xulafo la ah Xamaas, waana sababta ay duqaymaha ugu hayso deegaanada waqooyiga Israel.

Tan iyo 8-dii bishii October, Xisbullah iyo Israel ayaa ku lug lahaa gantaalo maalinle ah oo isaga kala gudba xuduudda, waxayna Saraakiisha Xisbullah ku celceliyeen in iska caabinta jiidda koonfureed ee Lubnaan ay ku garab taagan yihiin dadka reer Gaza, isla-markaana ficiladooda ay ku taageerayaan xulafadooda Falastiin ee Xamaas.

Naim Qassem, Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay in marka uu dhammaado dagaalka Gaza ay Xamaas door weyn ka qaadan doonto siyaasadda Falastiiniyiinta, taas oo ka soo horjeedda buu yiri rabitaanka Israel.

"Xabad joojinta ka dib Xamaas waxay noqon doontaa mid xoogan oo ku lug leh siyaasadda Falastiiniyiinta." Ayuu yiri Naim Qassem.

Gantaalaha ay labada dhinac isku weydaarsanayaan deegaanada xadka ayaa keentay cabsi sii kordheysa, oo laga qabo inay huriyaan dagaal gobolka oo dhan ah.

Dagaal toos ah oo dhinacyada dhex mara ayaa gobolka ku keeni karta dib-u-dhac muddo tobanaan sano ah, iyada oo saamaynta ugu badan ku yeelaneyso Israel iyo Lubnaan.

Israel iyo Xisbullah waxay garowsan yihiin dhibaatada laga dhaxli karo dagaal toos ah oo dhex mara, haddana falalka ay ku lug leeyihiin ayaa soo dedejineysa suurtagalnimada in gobolku uu isla qarxo.