Sacuudiga iyo Suuriya oo dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed

Dowladaha Sacuudiga iyo Suuriya ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed, ka dib in ka badan muddo toban ah oo uu go'naa.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo muddo diidaneyd in xafiiska uu sii joogo Madaxweyne Bashar al-Assad ayaa sheegtay inay dib u bilaabeyso xiriirkii labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in Riyadh ay go'aansatay inay dib u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee Suuriya.

"Boqortooyada waxay go’aansatay inay dib u bilowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Suuriya." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA) ayaa ku warantay in Boqortooyadu ay raadin doonto horumarinta dhaqaaq Carbeed oo wadajir ah.

Wakaaladda Wararka Suuriya (SANA) ayaa dhankeeda sheegtay in Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya ay go'aansatay dib u bilaabidda howlihii diblomaasiyadeed ee Sacuudiga.

Toddobaadkan, Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay inay dib u soo celisay xubinimadii Suuriya ee ururka, ka dib muddo sideed sano ah oo laga hakiyay xubinimadeedii.

Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Assad ee saaxada siyaasadda Carabta ayaa imaanaysa, ka dib muddo sanado ah oo ay dowladdiisu ka go'doonsaneyd gobolka intiisa kale, sababo ku aaddan dagaalka sokeeye ee dalkaasi iyo ciidamadiisa oo lagu eedeeyay in gabood-falo ka gaysteen dalkaasi.

Sacuudiga ayaa xiriirka u jaray Dowladda Madaxweyne Assad sanadkii 2012, markaas oo ay bilowday in ay taageerto xoogagii mucaaradka ee dagaalka kala hortegay dowladdiisa, si xukunka looga tuuro, balse markii dambe uu qorshahaasi fashilmay.

Sacuudiga ayaa billihii ugu dambeysay waday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, oo uu xal ugu raadinayay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Dowladaha Iran iyo Suuriya.