Sacuudiga oo maalgashi ballaaran ku sameynaya Shiinaha

Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa shaacisay in maalgashi ballaaran oo balaayiin dollar ku kacaya ay ku maalgashan doonto dalka Shiinaha.

Shirkadda ayaa bayaan ku sheegtay in dalkaasi ay ka dhiseyso warshado shidaalka sifeeya.

Shiraddan ayaa sidoo kale waxay saami ka iibsatay qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee dalkaasi, iyadoona boqolkiiba toban (10%) saami dhan ka iibsatay shirkadda Rongsheng Petrochemical Co. Ltd, una dhiganta saddex dhibic lix bilyan oo dollar ($3.6B).

Aramco ayaa dalkaasi maalintii u dhoofin doonta 480,000 oo foosto, si shirkadaha ay heshiiska la gashay ay u sifeeyaan shidaalkeeda.

Shirkaddan ayaa 12-kii bishan shaacisay inay diiwaangelisay faa’iido dhan $161.1 bilyan, oo ay faa'iiday sanadkii hore ee 2022, ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Duulaankan ayaa la fahamsan yahay in dunida uu u horseeday sicir barar baahsan, iyadoona uu kiciyay kobaca dhaqaalaha ugu sarreya ee dhoofinta shidaalka adduunka.

Sacuudiga oo muddo dheer saaxiib la ahaa Mareykanka ayaa haatan u muuqda mid ka sii furfuranaya Washington.