Saddex ka mid ah Ciidamada Israel oo lagu dilay weerar ka dhacay dhulka ay Israel maamusho

Ugu yaraan saddex ka mid ah Ciidamada Israel ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, ka dib markii Xamaas ay galabnimadii Axadda gantaalo ku weerartay barta saddex xagalka xuduudda ee Kerem Shalom, oo isku xirta Israel, Marinka Gaza iyo Masar.

Xoogaga Xamaas ayaa u muuqday kuwo ka careysan ciidamada faraha badan ee ay Israel soo dhoobtay Isgoyska Kerem Shalom, kuwaa oo si joogto ah u carqaladeeya kolonyada gargaarka ee ku wajahan Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa qirtay in saddex askari ay kaga dhinteen weerarka gantaalaha, saddex kalena ay kaga dhaawacantay.

Dhakhaatiirka ka hawlgasha Xarunta Caafimaadka ee Soroka ayaa xaqiijiyay inay qaabileen dhaawacyada illaa toban qof, kuwaa oo qaarkood ay xaaladdoodu liidato.

Golaha Deegaanka ee Eshkol ayaa sheegay in dad ka mid ah Israeliyiinta deegaameynta looga sameeyay dhulkaasi ay ku dhaawacmeen weerarka.

Xamaas oo sheegatay masuuliyadda weerarka ayaa sheegtay in Guutooyinka Al Qassam ay gantaalada ridada gaaban ee 114 mm ku garaaceen qaybta ay Ciidamada Israel kaga sugan yihiin Kerem Shalom.

Dhanka kale Ciidanka Cirka Israel oo ka jawaabaya weerarkaasi ayaa duqayn culus ka gaystay bartilmaameedyo ay sheegeen in ay Xamaas kaga sugan tahay aagga deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay beegsadeen goobo ku yaala dhulka hoostiisa, oo u muuqday sida ay sheegeen in gantaalahaasi laga soo riday.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in weerarka gantaal ee ay Xamaas ku soo qaadday dhanka Israel laga soo tuuray meel dhowr boqol oo mitir uun u jirta Rafah, oo ay gabaadsanayaan 1.5 milyan oo qof oo barakacayaal ah.

Rafah waa goobta keliya ee Marinka Gaza ee aysan Ciidamada Israel gelin, balse ay Madaxda Israel sheegeen in dhawaan la weerari doono.