Saddex qof oo Israeliyiin ah oo lagu dilay xadka Daanta Galbeed iyo Jordan
Dadkan ayaa maanta lagu dilay weerar ka dhacay xadka Jordan iyo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay Buundada Boqor Hussein, oo sidoo kale loo yaqaano (Allenby) ee u dhaxeysa Daanta Galbeed iyo Jordan.
Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in nin hubeysan oo ka soo gudbay dhanka dalka Jordan uu rasaas ku furay Ilaalada Xuduudda, goobtana ay ku dhinteen saddex nin oo Israeliyiin ah.
Warka ayaa lagu sheegay in ninka hubeysan uu watay gaari nooca xamuulka, isla-markaana uu ka yimid dhinaca Magaalada Al-Karameh ee Jordan.
Taliska ayaa markii hore sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen rayid, balse Wakaaladda Wararka AFP ayaa mar dambe ka soo xigatay inay u shaqeynayeen, sidii ilaalo oo kale, oo aanay qayb ka ahayn Ciidamada Ilaalada Xuduudaha.
Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadu ay dileen ninkii weerarka gaystay.
Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka goob ganacsi oo Israel ay maamusho, halkaas oo baabuurta Jordan ay ka soo dejiyaan shixnadaha la keeno Daanta Galbeed ee la haysto.
Jordan iyo Israel ayaa sheegay in la xiray Buundada Allenby, illaa amar dambe.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jordan ayaa sheegtay in Xukuumadda Amman ay baareyso dhacdada.
Dhacdadan ayaa la aaminsan yahay in ay la xiriirto carrada bulshada gobolka ee ka dhalatay weerarada naxariis darrada ah ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza.
Jordan oo xulafo la ah reer galbeedka ayaa heshiis nabadeed la gashay Israel, 26-kii bishii October ee sanadkii 1994-kii.