Shacabka lagu xasuuqay Marinka Gaza oo tiradooda ay kor u dhaaftay 43 kun oo qof
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa shaacisay in dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza ay ka sare mareen 43 kun oo qof.
Wasaaradda ayaa Isniintan warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in Ciidamada Israel ay dileen 43,020 qof, muddada uu socdo dagaalka Gaza.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xaqiijisay in tirada dadka rayidka ah ee la dhaawacay ay mareyso 101,110 qof.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhibaneyaasha ay u badan yihiin haween iyo carruur. Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ku jira dad da' ah iyo kuwo kaloo naafo ah.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa dhanka kale sheegtay inay jiraan kumanaan qof, kuwaa oo ku hoos jira burburka dhismayaasha.
Dadkan oo tiradooda lagu qiyaaso illaa toban kun oo qof ayaan ku jirin dadka loo diiwaangeliyay inay dhinteen amaba ay dhaawacmeen, balse loo tixgeliyo inay yihiin dad maqan amaba la la'yahay.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dadka qaarkood ay ku hoos jiraan burburka goobo aanay gaari karin shaqaalaha samatabixinta, sababtoo ah Ciidamada Israel oo ka hortaagan inay taggaan.
Inta badanse dadka maqan ayaa la aaminsan yahay inay ku jiraan dhismayaal si xun loo garaacay, isla-markaana aanay kooxaha gurmadka haysan qalab ku filan qodista.
Israel oo muddo dheer go'doomin ku haysay Marinka Gaza ayaana ugu wacan inaanan qalabkaasi la gaynin Gaza.
Israel ayaa xoojisay go'doominteedii Gaza, ka dib weerarkii 7-dii bishii October, 2023, iyadoona muddada uu dagaalkan socdo ay si weyn u xadiday gelitaanka gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza.
18-kii sano ee ugu dambeysay ee ay Israel go'doominta ku haysay Marinka Gaza ayaa waxay dadka reer Gaza noqdeen kuwo ku tiirsan kaalmada bani'aadantinimo ee hay'adaha gargaarka.
Ka hor dagaalkan, Gaza waxaa maalintii tagi jiray 500 oo gaadiidka xamuulka oo u raran hay'adaha ka shaqeeya arrimaha bani'aadantinimada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.
Hadda oo xaaladdu ay meel xun mareyso waxaa ciriiri ah in Gaza la keeno raashiinka, biyaha, shidaalka iyo sahayda dawada. Tani ayaana ah mid ay Israel si wadar ah ugu ciqaabeyso dadka rayidka ah.
Israel ayaa gaajeysiinta u adeegsaneysa sida hub oo kale, taas oo noqonayso dembi dagaal, marka loo fiiriyo sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.
Sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada ayaa sidoo kale qeexaya in uu dembi dagaal yahay in la laayo dad aan waxba galabsan iyo in la burburiyo guryaha la degan yahay & kaabeyaasha kale ee dadweynaha.
Si kastaba ha-ahaatee, iyadoo Israel ay ku andacooneyso inay dagaal kula jirto Xamaas ayay si cad ugu xadgubeysaa xeerarka caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka.