Shacabka Lubnaan oo dib ugu laabanaya guryahooda
Shacabka dalka Lubnaan ee barakaca uga maqan guryahooda koonfurta iyo bariga dalkaasi ayaa bilaabay in ay deegaanadooda dib ugu laabtaan, ka dib heshiiskii xabad joojinta ee Xisbullah iyo Israel.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay xabad joojin lixdan maalmood soconeysa, oo haddii ay si sax ah u dhaqangasho ay sidaasi ku sii socon doonto.
Dadka oo ka faa'iideysanaya xabad joojinta oo Arbacadii la bilaabay in la dhaqangeliyo ayaa dib ugu laabanaya guryahooda, si noloshii bulshooyinkooda ay dib u dhistaan.
Ku dhawaad 1.5 milyan oo Lubnaaniyiin ah ayaa ku barakacay duqaymihii ay Israel ka gaysaneysay dalkaasi, gaar ahaan bariga iyo koonfurta oo saaran xuduudda Lubnaan la wadaagto Israel.
Xabad joojintan ayaa in ka badan hal milyan oo Lubnaaniyiin ah ka caawineysa inay dib u camiraan noloshii deegaanadooda.
inkastoo Israel iyo Xisbullah ay labaduba ballanqaadeen inay ixtiraami doonaan heshiiska xabad joojinta ee Mareykanka uu ka shaqeeyay, haddana waxaa jirta cabsi laga qabo in dhinacyadu ay mar kastaba jebin karaan.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in xabad joojinta ay muhiim u tahay xasilloonida iyo deganaanshaha ee labada dal.
Madaxweyne Biden ayaa Xisbullah uga digay inay ku xadgudubto xabad joojinta, haddii kalena ay Israel xaq u leedahay inay is difaacdo.
Xabad joojinta ayaa u muuqato inay maalintii labaad si caadi ah u shaqeynayso, inkastoo shalay oo maalintii koowaad ahayd meelaha qaarkood laga maqlay rasaas, balse taasi wax caqabad kuma keenin in xabad joojintu ay dhaqangasho.
Si kastaba ha-ahaatee dadka reer Lubnaan ayaa ku laabanaya dhul si weyn loo burburiyay, iyadoona duqaymaha Israel ay burbur baahsan uga taggeen deegaanada xuduudda Lubnaan iyo meelo badan oo ka tirsan koonfurta iyo bariga dalkaasi.