Shacabka Turkiga oo saaka u dareeray doorashada madaxtinimada ee dalkaasi

Shacabka dalka Turkiga ayaa saaka u dareeray wareegga labaad ee doorashada madaxtininimada ee dalkaasi, oo ay ku loolamayaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo musharaxa ugu weyn mucaaradka, Kemal Kilicdaroglu.

Madaxweynaha talada haya ayaa wareeggii hore ee doorashada helay 49.5%, isagoo wax yar uun ka hoos maray codadkii looga baahnaa si uu dalka u sii maamulo. Kilicdaroglu ayaa helay 44.8%, halka Sinan Ogan uu isna helay 5.2% codadkii la dhiibtay, isagoona ka haray tartanka doorashada.

Natiijada wareeggii hore ee doorashada ee 14-kii bishan ka dhacday dalkaasi, ma ahayn mid ay sugayeen mucaaradka, iyadoo tanina ay filan-waa ku noqotay dalalka Reer Galbeedka oo isbahaysiga mucaaradka taageerayay.

Madaxweyne Erdogan oo dalka soo xukumayay labaatankii sano ee ugu dambeysay ayaa mar kale doonaya inuu doorashada ku guuleysato, si uu xafiiska u sii joogo 5-ta sano ee soo socota.

Sinan Ogan ayaa dhawaan taageeray ololaha doorashada ee Madaxweyne Erdogan, taas Madaxweynaha fursad u siineysa in uu xafiiska sii joogo.

Xisbiga Erdogan ee AK Parti ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka Turkiga, oo ka kooban 600 oo xubnood.

Madaxweyne Erdogan ayaa codbixiyeyaasha ugu baaqay inay isaga soo doortaan, si dalka looga badbaadiyo tafaraaruq siyaasadeed, loona helo xisbi qura oo dalka maamula.

In ka badan 64 milyan oo qof oo haysta kaararka codbixinta ayaa go'aamin doona cidda dalka xukumi doonta 5-ta sano ee ina soo aaddan.

Labada musharax ee tartamaya ayaa midkood si uu u guuleysto, waxa uu u baahan yahay 51% codadka dadka wax dooranaya.

Inkastoo ay wax kasta is bedeli karaan, haddana saadaasha rajada ee Erdogan iyo taageereyaashiisa ayaa ah mid aad u sarreyso.