Shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud oo ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Hormuud Telecom ee Magaalada Beledweyne ayaa ku dhaawacmay qaraxii xooganaa ee Sabtidii ka dhacay magaaladaasi.
Nin ka kaxeynayay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay kontoroolka Horseed ee lagu canshuuro gaadiidka, kuna yaala agagaarka Buundada Nuur Xawaad.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa dacalka ku haysa xarun ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, oo ku burburtay qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka, laguna soo raray walxaha qarxa.
Qaraxa ayaa dhacay wax yar uun ka dib markii laga soo baxay Salaaddii duhur, dibna loo furay Xarunta Shirkadda Hormuud.
Gudoomiyaha Degmada Beledweyne, Cumar Cismaan Calasow ayaa sheegay in burbur uu gaaray dhismaha shirkaddaasi, shaqaale badan oo kuwooda ahna uu dhaawac soo gaaray.
"Dhismaha Shirkadda Hormuud oo meesha ka dhaweyd burbur ayaa gaaray, dhaawacyo badan oo shaqaalahooda soo gaarayna way jiraan." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Goobo kaloo ganacsi iyo guryo la deganaa ayaa sidoo kale ku burburay qaraxaasi, iyadoona illaa iyo hadda aanay jirin cid tira-koobtay amaba sheegi karta tirada dhismayaasha ku burburay qaraxaasi.
Gudoomiye Calasow ayaa sheegay in hadda uu socdo gurmadka burburka dhismayaasha hoostooda lagaga baadi-goobayo dad lagu waayay qaraxaasi.
Qaraxan oo noqonayo mid ka mida qaraxyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca Beledweyne ayaa waxaan jirin cid sheegatay masuuliyaddiisa.


