Shariif Sheekh Axmed: Xukuumaddu waxay noqoney xukuumad xil-gaarsiin

Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muddo xileedkiisu dhamaaday, taas oo sida uu sheegay ka bilaabaneysay waqtigii la doortay, oo afar sano laga joogo.
Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu noqonayo Madaxweynihii hore, Xildhibaanada Baarlamaankuna ay noqonayaan Xildhibaano hore, halka sida uu sheegay xukuumadduna ay noqoneyso xukuumadda xil-gaarsiinta.
"Madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisu wuu dhamaaday. Marka Madaxweynuhu wuxuu noqonayaa Madaxweynihii hore. Xildhibaanadu waxay noqonayaan Xildhibaanadii hore, xukuumadduna waxay noqoney xukuumadda xil-gaarsiinta. Sidaas ayay noqonayaan." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka oo ka hadlayay shir jaraa'id oo Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ay maanta ku qabteen Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.
Waxa uu qaadacay hannaanka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashooyinka dalka, isagoo xusay inaanan taasi doorasho lagu tilmaami karin oo loo baahan yahay in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.
"In qolo ay doorasho sameyso oo tiraahdo doorashaa annaga samaynay, doorasho maahee doorasho waa midda laga heshiiyo. Waxaa laga heshiinayaa Guddiga Doorashooyinka, hannaanka doorashada iyo waqtiga. Waxaas oo dhan in laga heshiiyo ayaa loo baahnaa, mana dhicin." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Waxa uu sheegay in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay hadda ka mid noqoneyso danleyda siyaasadda dalka, mar haddii uu ka dhamaaday waqtigii ay dalka doorashada kaga qaban lahayd.
"Marka dowladda waxay hadda kala mid noqoneysaa dadka daneynaya doorashooyinka, maxaa yeelay xilligii ay ahayd inay hoggaamiso oo waqtiga ay haysteen waa ka dhamaaday." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka.
Shariif Sheekh Axmed ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay doonayaan in laga heshiiyo doorashooyinka laga qabanayo Dowlad Goboleedyada.
"Doorashooyinka ay tahay inay ka dhacaan Dowlad Goboleedyada waa in laga heshiiyaa, oo ay noqdaan doorashooyin laga heshiiyay." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Hadalka Shariifka ayaa imanaya, iyadoo Beesha Caalamka ay Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Somaliya ku cadaadineyso in ay ku laabtaan miiska wada hadalka, si loogu heshiiyo qaab doorasho oo loo dhan yahay.


