Shiinaha oo ku biiray cambaareynta caalamiga ee ka dhanka ah Israel

Shiinaha ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee si adag u cambaareeyo weerarka Israel ay ku hayso magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, iyadoona Talaadadii sheegtay in uu bilowday qorshaha miitariga ee lagu qabsanayo Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.
Dowladaha gobolka iyo kuwa caalamka, marka laga soo tago Mareykanka ayaa si adag u cambaareeyay duulaankan ballaaran, haddii uu sii xumeynayo xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza oo dhan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa waxay sheegtay in Beijing ay si adag uga soo horjeeddo duulaanka Israel ee ka dhanka ah magaaladaasi.
"Shiinuhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa kororka hawlgalada militari Israel ee Gaza, wuxuuna cambaareynayaa dhammaan falalka lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah iyo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah." Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian.
Afhayeenka ayaa sheegay in Beijing ay aad uga walaacsan tahay kororka xiiisadda Gobolka Bariga Dhexe, isla-markaana ay cambaareynayaan dhinac kasta oo wiiqaya xasilloonida gobolkaasi.
Lin Jian ayaa tilmaamay in Israel looga baahan yahay in ay maqasho walaaca caalamka, isla-markaana ay joojiso hawlgalka militari ee Gaza.
"Waxaan ku boorinaynaa Israel inay dhageysato walaaca xoogan ee Beesha Caalamka, isla-markaana ay hal mar joojiso hawlgalkeeda militari ee Gaza, ayna ogolaadaan xabad joojin buuxda oo waarta, welibana sida ugu dhakhsaha badan, iyagoo ka fogaanaya in ay uga sii daraan xaaladda bani'aadantinimo." Ayuu yiri Lin Jian.
Dunida ayaa si weyn uga soo horjeedsatay dilka naxdinta ah ay Israel ka waddo xarunta weyn ee Marinka Gaza iyo burburinta baahsan ay ku hayso dhismayaasha la degan yahay iyo kaabeyaasha rayidka.
Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa caalamka ku booriyay in la qaado tallaabo lagu xakameynayo Israel.
Golaha Fulinta Midowga Yurub ayaa Arbacadii dood ka yeeshay qorsheyaal lagu xadidayo iskaashiga Midowga Yurub iyo Israel, si loogu cadaadiyo in ay joojiso dagaalka Gaza.
Israel ayaa xasuuqeeda Gaza ka dhaxashay mucaaradadii ugu weyneyd ee ay ebid kala kulanto bulshada caalamka.