Shiinaha oo Saraakiisha Pakistan ugu baaqay inay xoojiyaan dhexdhexaadinta Bariga Dhexe

Diblomaasiga ugu sarreya Shiinaha ayaa Madaxda Pakistan ku booriyay inay xoojiyaan dadaalada ay ku dhexdhexaadinayaan Mareykanka iyo Iran, si loo soo afjaro xiisadda labada dal ee xasillooni darrada ka abuurtay Gobolka Bariga Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa arrintan kala hadlay Raysal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Mohammad Ishaq Dar, sida ay Arbacadan ku warantay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua.

Wakaaladda Wararka Xinhua ayaa sheegtay in labada Wasiir ay sidoo kale xalay isla soo hadal qaadeen wax ka qabashada xaaladda adag ee ka jirta marin biyoodka Hormuz, isla-markaana uu Wang Yi dhiggiisa Pakistan ka codsaday in Islamabad ay si sax ah uga shaqeyso dib u furista Marinka Hormuz.

Wang Yi ayaa xiriir la sameeyay dhiggiisa Pakistan, iyadoo Islamabad ay riixeyso dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in wareeg labaad oo wada hadal toos ah uu dhex maro Tehran iyo Washington.

Waxay ku soo aadeysaa, ka hor booqashada uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku tagayo dalkaasi Shiinaha, isagoo Beijing kula kulmi doona Madaxweyne Xi Jinping.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, teknolojiyadda iyo dagaalka Barga Dhexe.

Booqashada Trump ee Beijing ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee uu ku tago Shiinaha, tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay, bishii January ee sanadkii 2025.