Shiinaha oo sheegay in weerarka Mareykanka ee Iran uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah

Dowladda Shiinaha ayaa waxay Isniintan si adag u cambaareysay weerarka bambaano ee Mareykanka uu Axaddii ku qaaday goobaha nuclear-ka ee dalka Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa fal foolxun ku tilmaamay weerarka uu Mareykanku ku bartilmaameedsaday saddexda goobood ee nuclear-ka Iran.

Wasiirka ayaa sheegaya in weerarada sharci darrada ah ee Israel ku hayso dalkaasi iyo midkii Mareykanka uu ku beegsaday goobaha xasaasiga ah ee nuclear-ka dalkaasi ay calaamado khaldan uu direen adduunka.

Wasiirka ayaa xusay in weerarka Mareykanka ee ka dhanka ah xarumaha nuclear-ka uu xadgudub ku yahay Axdiga Qaramada Midoobey iyo sharciga caalamiga ah, isla-markaana uu sii hurinayo xiisadda Bariga Dhexe.

Wasiirka ayaa tilmaamay in weerarada Israel lagu fuliyay marmarsiyo aan qiil lahayn, taasna ay mustaqbalka khatar ku tahay dunida, isaga oo intaasi ku daray in weerarada Israel iyo kan Mareykankaba ay jideeyeen sida uu yiri tusaale xun.

Wasiir Wang Yi ayaa xusay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso colaadda gobolka ay tahay in ay si degdeg ah u qaadaan tallaabooyin lagu qaboojinayo xiisadda, dibna loogu soo celinayo wada-xaajoodka.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa mar sii horreysay ka digay cawaaqibka ba'an ee ka dhalan kara weerarada sii socdo ay Israel ku hayso dalka Iran.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xasilloonida Bariga Dhexe ay muhiim u tahay nabadgelyada iyo deganaanshaha caalamka, isagoona xoojiyay baaqa Ruushka ee la xiriira in si dhakhsa ah loo soo afjaro xiisada sii kordheysa ee ka jirta gobolka.

Sanadihii ugu dambeeyay xiriirka Beijing iyo Tehran ayaa si aad ah u xoogeysanayay, iyadoona bishii March ee sanadkii 2021 ay gaareen heshiis iskaashi istiraatiiji ah oo 25 sano soconaya, oo ku saabsan dhinacyada dhaqaalaha, militariga iyo amniga.

Iran ayaa lagu tilmaamaa xulafada ugu weyn ee Shiinaha iyo Ruushka ay ku leeyihiin gobolka, waxayna si adag u cambaareeyeen ficilada militari ee Israel iyo Mareykanka ee ka dhanka ah dalkaasi.