Shirkadaha diyaaradaha ee ajnabiga iyo Israel oo qoorta isku la jira

Israel ayaa maalmahaanba shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah culeys ku saareysay inaysan joojin duulimaadyadooda Israel, taas oo shirkaduhu ay diidan yihiin.

Shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah ayaa toddobaadkii koowaad ee bishan ku dhawaaqay in ay hakinayaan safaradoodii Israel, ka dib markii Xoogaga Xuutiyiinta ay 4-tii bishan gantaal nooca ballaastikada ah la beegsadeen xeendaabka Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.

Xoogaga Yemen ayaa 5-tii bishan ku dhawaaqay in ay hadaf militari yihiin Garoomada Diyaaradaha Israel, si gaar ahna uu iyagu ugu xiran yahay Garoonka Ben Gurion, oo ah kan ugu weyn ee Magaalada Tel Aviv. Xuutiyiinta ayaa sheegay in tallaabada ay ku go'doominayaan hawada Israel ay uga gol leeyihiin in la joojiyo xasuuqa Gaza iyo in la qaado go'doominta Marinka Gaza.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa shirkadaha shisheeye ku booriyay in ay ixtiraamaan go’aankaasi, iyagoo ka fogaanaya hawada Israel, maadaama sida uu sheegay aanay ammaan ahayn.

Shirkadaha diyaaradaha oo bilowgii sheegay in toddobaad iyo illaa laba toddobaad ay hakinayaan duulimaadyadii ay ku tagayeen Tel Aviv ayaa marba marka ka dambeysa kordhinaya muddada hakadka, sababtu tahay Xuutiyiinta oo sii wada gantaalada ay sida tooska ah ugu weerarayaan dhulka Israel.

Shirkadda British Airways oo ugu dambeysay ayaa Sabtidii shaacisay inay kordhisay muddada aan la heli karin adeegeedii Israel.

Shirkadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay kordhisay muddada aanay ka hawlgali doonin Israel, illaa ugu yaraan bilowga bisha August, iyadoo welibana la qiimeynayo xaaladda, oo macnaheedu yahay in la kordhin doono muddada, haddii ay xaqiiqsato in amniga hawada Israel aan la isku halayn karin.

"Waxaan si joogta ah ula soconaa xaaladaha shaqada, waxaana gaarnay go'aan ah inaan joojino duulimaadyadeenna Tel Aviv, illaa iyo 31-ka July. " Ayaa lagu yiri bayaanka oo lagu muujiyay in duulimaadyada la bilaabi karo August, haddii ay xaaladda taagan wax iska bedelaan.

Shirkadda ayaan ogoleyn in macaamiisha ay ticket-ka ka goostaan barteeda internet-ka, illaa bisha sideedaad ee August.

Wasaaradda Gaadiidka Israel ayaa ku khasabtay Shiradaha diyaaradaha ee Yurub, Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka Asia in ay ka sii shaqeeyaan Israel, laakiin ay ka soo horjeesteen, iyagoo ku andacoonaya inaanay u bareeri karin khatar cad oo ay arki karaan.

Shirkadaha shisheeye ayaa bartamihii bishan wasaaradda ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xaalad ammaan oo gaar ah, oo ku saabsan in Israel ay bixin doonto magdhowga rakaabka iyo diyaaradaha, haddii ay waxyeelo kala kulmaan hawadooda, tani oo wasaaraddu aanay aqbalin.

Wararka ayaa sheegaya in Safaaradaha Israel ee dibadda ay xitaa dadaal u galeen, sidii diyaaradahaasi ay u sii wadi lahaayeen adeegyadoodii Israel, si aanay dunidu ugu arkin in Xuutiyiinta Yemen ay xireen hawada Israel, balse ay maamulada diyaaradaha u cuntami weysay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Israel iyo madaxdeedaba ay ka carreysan yihiin go'aanka shirkadaha laga leeyahay dalalka ay xulafada dhow yihiin ku kordhinayaan waqtiga safarkooda ee gudaha Israel.

Tani ayaa dharbaaxo kale ku ah dhaqaalaha Israel oo si weyn hoos ugu dhacay, tan iyo markii ay ciidamadeedu duulaanka ku qaadeen Marinka Gaza.

Sanadkii koowaad ee dagaalka Gaza, Israel ayaa lumisay dalxiiseyaashii faraha badnaa ee soo booqanayay, qaar ka carooday xasuuqeeda Gaza iyo qaar kale oo uga cararay amni darro, sababo la xiriira gantaaladii ay ku soo weerarayeen Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iyo ururka kale ee reer Yemen.

Xirnaanshaha Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ama shaqadiisii oo la carqaladeeyo ayaa jug kale oo dhaqaale ku ah Israel, maadaama uu garoonkaasi ka mid yahay ilaha dhaqaale ee Israel ugu muhiimsan, iyada oo dhaqaale badan ka heli jirtay duulimaadyada caalamiga ah iyo mallaayiinta Israeliyiinta ee safreysa.

Lama oga tallaabada ay Israel mustaqbalka ka qaadi karto shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee khatarta amni uga cararaya hawadeeda.

Yemen ayaa waxay ka mid tahay dalalka yar ee maanta haysta gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee Hypersonic, oo daqiiqo yar ku gaari kara hadafka bartilmaameedkooda.