Shirkadda Maraakiibta ee Maersk oo hakisay inay ka sii shaqeyso Dekedda Haifa ee Israel

Maamulka Shirkadda Maraakiibta ee Maersk ayaa Jimcahan shaaciyay in ay si ku-meel-gaar ah u hakiyeen in maraakiibtooda ay taggaan Dekedda Haifa ee Israel, sababo la xiriira khatarta gantaalada Iran.
Maamulka Maersk ayaa sheegay in go'aankan ay qaateen, ka dib markii ay si dhow u qiimeeyeen warbixinada la xiriira xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Israel iyo Iran.
Maamulka ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in iyagoo ka dheregsan khatarta dhabta ah ee jirta iyo suurtagalnimada in ay bartilmaameed noqon karaan Dekedaha Israel ay qaateen go'aankan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shaqaalaha iyo maraakiibta.
"Haatan lama kulmayno carqalado kale oo inaga haysta hawlgaladayadii qorsheysnaa ee gobolka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Tan iyo Sabtidii ayaa waxaa Haifa ku soo badanaayay weerarada gantaalada ballaastikada ah ee ay Ciidamada Iran ka gaysanayaan meelo ka mid ah dhulka Israel.
Maanta oo ugu dambeysay mid ka mid ah gantaalada Iran ayaa ku dhacay dhisme ku yaala aagga Dekedda Haifa.
Shirkadda Maraakiibta ee Maersk ayaa horey u hakisay in maraakiibteeda ay ku xirtaan dekedaha ku yaala koonfurta Israel, ka dib markii ay Xuutiyiinta Yemen kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ku wajahan dekedaha maamulkaasi, iyadoo laga jawaabayo duulaanka Israel ee Gaza iyo go'doominta Marinka Gaza.
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa horey ugu guuleystay in maraakiibta ganacsiga caalamka ay ka fogaadaan dekedahaasi, inkastoo aysan u suurtagelin inay xiraan Dekedda Haifa, oo ah tan ugu weyn ee Israel.
Maersk oo laga leeyahay dalka Denmark iyo MSC ayaa ah labada shirkadood ee ugu weyn xamuulka badda, waana shirkadaha kunteenarada caalamiga ah ee qaada shixnadaha ugu badan ee ganacsiga.