Siyaasiyiinta Mucaaradka oo walaac ka muujiyay shirka uu Madaxweynuhu ku baaqay

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ee daba-yaaqadii bishii May la baxay "Madasaha Samatabixinta Soomaaliyeed" ayaa walaac ka muujiyay shirka uu Madaxweynuhu 15-ka bishan isugu yeeray Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada Rayidka.
Inkastoo Madasaha Samatabixinta ay soo dhaweysay shirkaasi ayaa waxay haddana ku baaqday in uu shirku noqdo mid loo dhan yahay, oo ay ka soo qaybgalaan dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan illaa iyo hadda shirka ku soo martiqaadin Madaxda Dowlad Goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, waana sababta ka dambeysa walaac ay mucaaradku ka muujinayaan shirkaasi.
Mucaaradka ayaa waxay dalbanayaan in baaqooda la dhageysto, si looga gudbo waxyaabaha sababay, waxa ay ku sheegeen khilaafka iyo kala aamin-baxa.
Warsaxaafadeed ay mucaaradku soo saareen ayaa u qornaa;-
Madasaha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay June 1-deedii 2025 soo saartay warsaxaafadeed ay ku soo dhaweysay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si dalka looga samatabixiyo xaaladda murugsan ee uu ku sugan yahay. Waxay madashu ku baaqday in ay gogoshu noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka soo qaybgalaan dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, ayna noqoto madal wada-xaajood siyaasadeed oo xal waara looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay.
Madasha waxay u aragtaa kulamada uu Madaxweynuhu qabanayo 15-ka iyo 22-ka bishan in ay yihiin kuwo uu taageero ugu raadinayo jidkii uu horey ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aamin-baxa, tallaabadaasina waxay dhaawaceysaa niyad wanaaggii ay madashu ku qaabishay gogosha, waxayna ka niyad jebinaysaa shacabka iyo saaxiibada Soomaaliyaba rajadii ay gogosha ka qabeen.
Madashu waxay mar walba u taagan tahay midnimada & wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga samatabixin lahaa hubinti la'aanta siyaasadeed, waxayna weli Madaxweynaha ka dhowraysaa gogol wada-xaajood ah oo loo dhan yahay, si xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed, laguna mideeyo abaabulka iyo awoodda lagu wajahayo cadowga argagixisada ee duulaanka ku ah diinteenna, dalkeenna iyo dowladnimadeenna.