Somaliya oo 53 sano ka dib ka mid noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey

Somaliya ayaa markii ugu horreysay 53 sano ka dib ku guuleystay inay xubin ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Somaliya oo ahayd musharaxa Afrika ayaa heshay 179 cod, iyadoo u baahneyd 129 cod oo ka mid ah 193-ka xubnood ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, mana jirin cid Somaliya kula tartameysay kursigaasi.

Somaliya ayaa ka mid noqoneysa 10-ka xubnood ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, laga bilaabo bisha January ee sanadka 2025, waxayna kursiga ku fadhin doontaa muddo laba sano ah.

Kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee lagu soo doortay Somaliya ayaa maanta ka dhacay Magaalada New York.

Madaxa Kalfadhigga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, Danjire Dennis Francis oo kulanka shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, isagoo sheegay in Somaliya ay heshay 179 cod.

Doorashada 4 kursi oo kale oo la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay dalalka Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama.

Danjire Dennis Francis, Madaxa Kalfadhigga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalalka ay u baahnaayeen saddex meelood oo laba meel, laakiin tiradii ugu badneyd oo cod ay helaan ayaa ka dhigeysa 5-tan dal xubnaha la doortay ee ku biiraya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

5-ta dal ee maanta la doortay ayaa bedelaya dalalka Mozambique, Japan, Ecuador, Switzerland iyo Malta.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ku sugnaa goobta, xilligii ay doorashada dhaceysay.

Wasiir Fiqi oo codeynta ka dib hadlay ayaa si diiran u soo dhaweeyay xubinimada Somaliya ee Golaha Ammaanka.

Somaliya ayaa kursiga ay ku metesho Afrika ay horey u soo qabtay muddo xileedkii 1971-kii illaa 1972-kii.

Golaha Ammaanka ayaa ka kooban 15 xubnood (5 joogto ah iyo 10 aan joogto ahayn). 

Dalalka joogtada ah ee aan la bedelin ayaa kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha, halka kuraasta 10-ka kalena loo qaybiyay dalalka kale ee caalamka. Kuraastaas oo ah kuwo la isku bedbedelo ayaa waxaa soo doorta Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.